Aagaga Mudnaanta Kasoo qaadista Cuntada

Waxaan horumar ka samaynaynaa helitaanka alaab ka qaadista wadada dhinaceeda

Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo xaqiijin lahaa in ganacsiyada magaalada oo dhan ay leeyihiin aagag daabulitaan si loo fududeeyo qaadista iyo dejinta cuntada iyo alaabada tafaariiqda ah. Waxaad u heleysaa kaarkaan boostada ah si laguu ogeysiiyo isbeddelada jardiinka soo socda ee ku aadan qaybtan wajahada.

Iyada oo qayb ka ah jawaabtayada safmareenka COVID-19, waxaan dhawaan ku dhajin doonaa calaamado cusub qaybtan wajahada:

  • Calaamada cusub ee Aagga rar qaadista/dejinta 5-daqiiqo oo joogto ah iyo rinjiga jardiinka, si loo helo meel bannaan oo jardiinka ah oo loogu talagalay geynta cuntada iyo baahiyaha kale ee qaadista tafaariiqda/dejinta
  • Calaamad buluug oo la socota Aaga Mudnaanta Kasoo qaadista Cuntada

yellow 5 minute load/unload zone sign with blue priority food pick up zone sign

Dulucda

Maarso 2020, waxaan bilownay Barnaamijka Aaga Mudnaanta Kasoo qaadista Cuntada oo ku meelgaar ah si aan u siino wadada dhinaceeda inay isticmaalaan macaamiisha iyo gawaarida cuntada gaysa. Iyadoo loo marayo mashruucan, ganacsiyada cuntada iyo tafaariiqdu waxay codsan karaan aagagga alaab qaadista ee u dhow ganacsigooda si ay u taageeraan helitaanka macaamiisha una daboolaan baahida korodhay ee loo qabo keenista cuntada iyo kasoo qaadista kale ee wadada dhinaceeda.

Ilaa maanta, waxaan samaynay seddex daqiiqo oo ku meelgaar ah oo loogu talagalay Aagaga Mudnaanta Kasoo qaadista Cuntada in ka badan 570 maqaaxi.

SDOT waxay samayn doontaa calaamado jaalle 5-daqiiqo oo joogto ah oo loogu talagalay Aagga Alaab qaadista/Dejinta iyo calaamado buluuga oo loogu talagalay Mudnaanta Soo qaadista Cuntada, oo ay weheliyaan rinjiga jardiinka ee jaallaha ah, meelaha ugu badan ee leh aagag ku meel gaar ah.

Maxaa Dhacaya?

Waxaan samayn doonnaa calaamado jaalle 5-daqiiqo oo joogto ah oo loogu talagalay Aagga Alaab qaadista/Dejinta iyo calaamado buluuga oo loogu talagalay Mudnaanta Soo qaadista Cuntada , oo ay weheliyaan rinjiga jardiinka ee jaallaha ah, meelaha ugu badan ee leh aagag ku meel gaar ah. Waxaan dib u eegeynaa goobaha si loo aqoonsado qaybaha wajahada ee aan wali lahayn calaamadaha aagaga rarka alaabta ee joogtada ah.

Fadlan la soco in aagaga rarka joogtada ah ee cusub aan laga dhigi karin isla meelaha wax la surto si loo kordhiyo faa'iidooyinka aagga rarka cusub ee loogu talagalay dhamaan dadka isticmaala jardiinka.

Waqtiga loo qoondeeyay mashruuca

Janaayo- Abriil 2021: Ogeysiinta dadweynaha iyo rakibidda aagaga cusub ee Rar qaadista/Dejinta ee magaalada oo dhan

Waxaan rakibi doonaa aagag laga bilaabo koonfurta danbe ee magaalada ilaa woqooyiga danbe, hadba aag.

Su’aalo Ama Walaacyo?

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama jawaab celin, fadlan iimeel u soo dir loadzones@seattle.gov.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.