Sida Loo Diyaar garoobo & loona caawiyo

La soco oo u diyaari gurigaaga iyo qorshaha safarka wixii lama filaan ah. Ka nadiifi dariiqaaga lugta barafka iyo barafka dhalada noqday. Caawi kuwa u baahan caawinta.  

Ka hor Barafka iyo Barafka dhalada noqday

U diyaari gurigaaga wax aan la filayn.

  • Soo degso Liiska Hubinta Duufaanta Xilliga Qaboobaha si ay kaaga caawiyaan diyaargarowga. Dhegeyso saadaasha cimilada oo qorshee haddii cimilo aad u daran imaato. 
  • Diyaarso keyd duufaanta ka hor. Hayso qorshaha degdega ah ee qoyska, foonkka gacanta iyo dabeeye la-qaadan karo, raadiyaha ku shaqeeya batariga, majarafadda barafka, bacda milixda wadada, dhar diiran, bustayaal dheeraad ah, tooshash, xirmada gargaarka degdega ah, iyo sahayda cunto/biyo/daawo ugu yaraan saddex maalmood ah.

Diyaargarow

Diyaarso keyd duufaanta ka hor. Hayso xaaqidda barafka, bac milixa jidka ah, dhar diiran, bustayaal dheeri ah, nalal toosh ah, xirmada gargaarka degdegga ah, iyo sahay cunto/biyo/daawo kugu filan ugu yaraan saddex maalmood.

Kahor inta uusan Barafoobin

Ku daadi milixda dhagaxa ah (ama alaab kale oo bey'adda u fiican) dariiqaaga cagta, meelaha lugeynta, iyo marsho-biyoodka si aad uga hortagto in baraf uu dhalo ku noqdo.

Marka uu baraf da'o - Nadiifi Dariiqa Lugta

Xaaq dariiqa lugta ee gurigaaga ama meheraddaada ka horeysa 12'kii saacba ka hor inta aanu barafku isu beddelin mid dhegan.

Fiiri xaaladda Deriskaaga

Fiiri deriskaaga haddii aad ogtahay caawintaada in ay isticmaali karaan. Si wada jir ah u wada shaqeeya oo la imaada qorshe aad ku hubinaysan in jidkaaga cagta, biyo-mareennada duufaannada, iyo dariiqyada geesahu ay ka nadiif yihiin barafka.

Talooyin ku saabsan Badbaadada Xaaqidda Barafka

Iska ilaali dhaawac! Hubi inaad si badbaado leh ugu xaaqdo barafka iyo baraf-dhegan agabkaan:

Digniin: Magaaladu mas'uul kama aha burburka hantiyeed ama dhaawacyada ka dhasha baraf xaaqidda dariiqyada lugeynta.

Iskaa uga shaqee Barnaamijka Xaaqidda Barafka ee xaafaddeena

Ma rabtaa inaad iskaa uga shaqayso 
oo aad caawiso dariskaaga baahan 
xilli qaboobahaan? Magaalada 
Seattle waxay 
bilaabaysaa barnaamij tijaabo ah si ay uga taageerto bulshada wada dadaalada xaarista barafka. Hadafku waa in la caawiyo waayeelka iyo dadka qaba caqabadaha dhaqdhaqaaqa inay ka baxaan albaabka iyo meesha ay u baahan yihiin inay aadaan iyadoo la nadiifinayo dariiqyada lugeynta iyo jidadka u dhow guryahooda.

Haddii aad doonaysid inaad caawiso deriska u baahan marka barafku iyo barafku uu yimaado ee xilliga qaboobaha uu jiro, fadlan iska diiwaan geli kooxda daryeelka macaamiisha adigoo iimeel u soo diraya 684-Road@seattle.gov ama wac (206) 684-7623.

Codso Caawin la xiriirta Xaaqidda Barafka

Dadka u baahan in laga guro barafka iyo barafka dhalada noqday ee dariiqyada lugeynta ee ku wareegsan guryahooda waxay caawinaad ka codsan karaan Barnaamijka Xaaqidda Barafka ee Deriska Caawiya Deriskaa!

Haddii aad jeclaan lahayd inaad isdiiwaangeliso si aad u hesho caawimo xaaqidda barafka iyo barafka ee xilligaan qaboobaha, fadlan iska diiwaan geli kooxda daryeelka macaamiisha adigoo u diraya iimaylka 684-Road@seattle.gov ama wac (206) 684-7623. Waxaan ku dadaali doonaa inaan kugu xirno tabaruce xaafaddaada ka hor intaysan cimilada xilliga qaboobaha imaan.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.