La cusbooneysiiyay 8/6/2025
Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda waxa uu siiyaa lacag celin hal mar ah oo dhan ilaa $6,000 meherad kasta si ay gacan uga geysato bixinta horumarka amniga ee ka hortagaya Falalka kharribadda iyo burburka hantida.
Si ay ugu qalanto, ganacsatadu waa inay dhamaystiraan Kahortagga Dembiyada Iyadoo loo marayo Naqshad Deegaanka (CPTED) oo ay la socdaan khabiir shati leh, sida Isuduwaha Kahortagga Dembiyada ee Waaxda Booliiska Seattle. Kaliya tillaabooyinka amniga la iibsaday kadib qiimeynta amniga CPTED ayaa u qalma lacag celin.
Codsiyada waxay furnaan doonan ilaa Diseembar 2025 ama ilaa inta lacagtu ka dhamaanayso.
Waxa laguu soo celin karaa kharashyada hoos ku taxan, iyo sidoo kale maalgalinta kale ee lagu wargaliyay Kahortaga Denbiga iyada oo loo marayo Nakhshada Deegaanka. Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad iibsato maal-gashi ku salaysan talooyinka uu so jeediyey Isku-duwaha Ka Hortagga Dembiyada inta lagu jiro qiimaynta amniga ee CPTED. Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan kharashyada xaqa u leh, la xidhiidh xafiiskayaga.
- Looxyada lagu xirayo daaqadaha ama albaabada ee ku meel-gaarka ah
- Dayactirka ama beddelka daaqada
- Dayactirka albaabka ama beddelka
- Dayactirka Ganjeelada ama beddelka
- Dayactirka nalka dibadda ama beddelka
- Albaabada
- Qufulada
- Calaamadaha
- Filimka daaqada amniga
- Dhalada aan jabin
- Beerista waddooyinka ee la ogol yahay. Eeg hagayaasha alaabta goobta.
Haddii meheraddaadu ku taal Goobo taariikhi ah, waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale u baahato inaad hesho Shahaadada Oggolaanshaha ka hor intaadan iibsan maalgashiga la xidhiidha CPTED. Ka hubi haddii meheraddaadu ku taal degmo taariikhi ah halkan: Degmooyinka Taariikhiga ah - Xaafadaha.
Codsiyada waxay furan yihiin ilaa Disembar 2025, ama ilaa inta lacagtu ka dhammaanayso.
Fadlan dib u eeg shuruudaha u-qalmitaanka oo buuxa, dukumentiyada loo baahan yahay, iyo macluumaadka kale ee hoose ka hor intaadan codsan. Waxaad ku eegi kartaa dukumeentigan su'aalaha codsiga ka hor intaadan codsan: Ku laabo Hagaha Su'aalaha Codsiga Maalgelinta Ganacsiga.
Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale.
Magaalada Seattle waxay ku dhiirigelinaysaa qof walba inuu ka qaybqaato barnaamijyadeeda iyo waxqabadyadeeda. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, Taageerada naafada, ama macluumaad ku baxa qaab kale, kala xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.
Ku bood qayb
- Shuruudaha u-qalmitaanka
- Dukumentiyada looga baahan yahay codsiga
- Kaalmada Codsiga
- Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
Shuruudaha u-qalmitaanka
Si aad ugu qalanto Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda, ganacsiyada xaqa u leh waa in:
- Ay helaan qiimaynta amniga ee CPTED.
- Iibsadaan qalabka ammaanka ee u qalma CPTED adigoo iibsanaya kadib qiimaynta ammaanka ee CPTED.
- Waa inaad leedahay Shatiga Ganacsiga ee Magaalada Seattle oo aan dhacsanayn.
- U hoggaansan dhammaan sharciyada federaalka, gobolka, iyo magaalada.
- Ku yaaliin gudaha xadka magaalada Seattle.
- Noqdan ganacsi madax-bannaan, oo aan ganacsi kale ku hoos jirin, iyo ganacsi aan silsilad ahayn.
- Noqdan ganacsi faa'iido doon ah ama hay'ad aan faa'iido doon ahayn, 501(c)(3), 501(c)(6), ama 501(c)(19).
- Aan haysan wax ka badan saddex (3) goobood.
- Hadda furan ahna ganacsi shaqaynaya.
Shuruudo dheeraad ah:
- Goob kasta oo ganacsi, mulkiilaha, ama aqoonsiga (sida EIN, SSN, lambarka UBI, lambarka shatiga ganacsiga, guriga, iyo/ama ciwaanka ganacsiga) waxay ku soo gudbin karaan hal codsi.
- Ganacsigu waa inuu shaqaynayay ugu yaraan 12 bilood ka hor taariikhda soo gudbinta codsiga.
- Ganacsigu waa inuu ka shaqeeyaa goob dhismeed iyo/ama baabuurta guurguura ee u adeega dadweynaha.
- Haddii la abaalmariyo, ganacsiyadu waa inay buuxiyaan W-9.
Shuruudaha cabbirka ganacsiga:
- Ganacsigu waa inuusan lahayn wax ka badan 50 shaqaale waqti-buuxa ah oo u dhigma.
- Ganacsigu waa inuu sameeyaa in ka badan $1,000 oo aanu dhaafin $7 milyan dakhliga saafiga ah ee sanadlaha ah sida lagu sheegay cashuuraha ganacsiga iyo shaqada ee Waaxda Maaliyada iyo Adeegyada Maamulka ee Magaalada Seattle 2024.
Meheradaha AAN u qalmin inay codsadaan Sanduuqa Ammaanka ee dukaamada hortooda waxaa ka mid ah:
- Meheradaha ku yaal Degmada King ee aan la wadaagin (unincorporated).
- Ganacsiyada silsiladda ah ama kuwa leh magaca caanka ah (Franchise or chain businesses).
- "Madadalada dadka waaweyn" ganacsiyada hoos yimaada Xeerka Degmada Seattle 6.270 .
- Kiraynta muddada-gaaban ama muddada dheer ama hantida maalgashiga (Guryaha ma-guurtada ah ee gaarka ah, kiraystayaasha madax-bannaan iyo kireeyayaasha muddada-gaaban oo ay ku jiraan Airbnb, Vrbo, iwm.).
- Ganacsigu waa tagsi, rideshare, ama adeeg gaarsiinta cuntada (tusaale, Uber, Lyft, Yellow Cab, Door Dash, Uber Eats, iwm.).
Dukumentiyada looga baahan yahay codsiga
Codsiyada khadka tooska ah ee Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda waxa la aqbali doonaa, dib loogu eegayaa, oo loo hawlfulin doonaa marka la qabto.
Waxaad ku eegi kartaa dukumeentigan su'aalaha codsiga ka hor intaadan codsan: Ku laabo Hagaha Su'aalaha Codsiga Maalgelinta Ganacsiga.
Codsadayaasha xaqa u leh waxay u baahan doonaan macluumaadka soo socda si ay u soo gudbiyaan codsigooda:
- Lambarka Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan {UBI} (sagaal nambar).
- Waxaad helaysaa nambarka Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan marka aad codsato shatiga ganacsiga Gobolka Washington. Waxaad ka raadin kartaa lambarkaaga Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan onlayn iyada oo loo marayo Waaxda Dakhliga ee Gobolka Washington.
- Lambarka shatiga ganacsiga magaalada (afar ilaa lix lambar).
- Haddii aad ganacsi ka samaynayso Seattle, waa inaad haysataa shahaado cashuurta shatiga ganacsiga Seattle, oo sidoo kale loo yaqaan Lambarka Shatiga Ganacsiga Magaalada. Waa inaad dib u cusboonaysiisaa shahaadadan sannad kasta ugu dambayn December 31.
- Nambarkan shatiga ganacsiga magaalada waa ka duwan yahay shatiga ganacsiga ee Gobolka Washington. Haddii aad heli waydo lambarkaaga Shatiga Ganacsiga Magaalada Isticmaal qalabka raadinta goobaha ganacsiga, waxa laga yaabaa inaad haysto shatiga ganacsiga gobolka Washington oo keliya.
- Waxaad codsan kartaa shatiga Ganacsiga Magaalada oo aad dib ugu cusbooneysiin kartaa onlaynka filelocal-wa.gov ama boostada.
- Dhammaystirka Qiimaynta amniga ee CPTED .
- Si aad u ballansato qiimaynta ammaanka CPTED, go'aami Isku-duwaha Ka Hortagga Dembiyada ee deegaankaaga onlayn una soo dir iimayl. Ku dar magaca meheraddaada, ciwaanka ganacsigaaga, oo u sheeg inaad codsanayso qiimaynta amniga CPTED ee Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga.
- Liiska maalgashiga u qalma ayaa laga heli karaa halkan.
- Caddaynta lacag bixinta maalgelinta CPTED ee u-qalanta.
- Keen koobiyada rasiidhada iyo/ama qaansheegyada iibsashada maalgelinta la so gudbiyey ee CPTED ee u qalanta. Liiska maalgashiga u qalma ayaa laga heli karaa halkan.
- Qiyaasaha iyo/ama xigashooyinka lama aqbali doono.
- Sanduuqa Ammaanka ee Dukaanka hortiisa wuxuu ku shaqeeyaa qaabka lacag-celinta, taas oo macnaheedu yahay in codsadahu horay u iibsaday qalab u-qalma ama lagu bixiyay rakibaadyada xaqa u leh.
- Haddii aad hayso wax su'aalo ah oo ku saabsan kharashyada xaqa u leh, fadlan la xidhiidh xafiiskayaga.
Kaalmada Codsiga
Codsiga Sanduuqa Ammaanka ee Dukaammada hortooda waa in lagu soo gudbiyaa onlayn isagoo Ingiriis ah.
Taageerada tarjumaada ama turjumaanka
Waxaan haynaa shaqaale laba luuqadood ku hadla oo diyaar u ah inay ka jawaabaan su'aalaha oo ay kaa caawiyaan buuxinta codsigaaga.
Si aad u codsato adeegyada turjumaada, waxaad wici kartaa (206) 684-8090. Fadlan dhaaf fariin cod ah oo raaci magacaaga, lambarka taleefanka, luuqadda aad doorbidayso, iyo nooca taageerada loo baahan yahay.
Caawinaad dheeri ah oo ku saabsan codsiga
Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, taageerada naafada, ama macluumaad qaab kale ku baxa, kala xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.
Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
1. Waa maxay faraqa u dhexeeya Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda iyo Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda?
Sanduuqa Dayactirka Meheradaha (Storefront Repair Fund) wuxuu kaa caawinayaa in laguugu soo celiyo kharashyada ka dhashay waxyeellada burburka hantida ama falalka waxyeellada leh (vandalism). Wax badan ka ogow Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda.
Sanduuqa Ammaanka ee Meheradaha Horteeda (Storefront Security Fund) wuxuu kaa caawinayaa in laguugu soo celiyo kharashyada ku baxay tallaabooyinka ka hortagga ah ee ammaanka.
2. Deeqaha Sanduuqa Ammaanka ee Meheradaha hortooda ma ku koobnaan doonaan oo keliya kharashaadka tallaabooyinka ka hortagga ah ee ammaanka?
Maalgelinta waxa kaliya oo lagu iibsan karaa waxyaabaha la xidhiidha tillaabooyinka ka hortagga Amniga ee la sameeyo ka dib marka la dhammeeyo qiimaynta amniga CPTED. Iibka suurtagalka ah ee lagu iibsan karo waxaa ka mid ah daaqada ku meel gaadhka ah ama looxa albaabka, hagaajinta daaqada ama bedelida, hagaajinta albaabka, dayactirka albaabka ama beddelka, albaabada, qufullada, calamadaha, filimka amniga ee daaqada, iyo muraayadaha burburay. Maalgelinta Amniga ee Dukaamada hortooda ma daboosho ka saarista qoraallada, gadashada kamaradaha amniga, magdhowga shaqaalaha amniga, ama luminta alaabta la xado.
Haddii aad rabto inaad codsato maalgelin si aad u hagaajiso dukaankaaga hortiisa, fadlan raac tilmaamaha codsiga. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Sanduuqa Dayactirka Dukaanka hortiisa ayaa laga heli karaa halkan.
Haddii aad ku aragto sawirro ama qoraallo sharci-darro ah (graffiti) oo ku yaal goob dadweyne ama hanti gaar loo leeyahay, waxaad ku soo wargelin kartaa adigoo:
- Isticmaalka abka Find It/Fix It, foomka warbixinta onlaynka ah, ama adoo wacaya khadka warbixinta garaafada magaalada (206) 684-7587.
- Qoraallada Sharci darada ah ee lagu qoro hantida gaarka ah, milkiilayaasha hantida ayaa mas'uul ka ah ka saarista qoraallada ku qoran hantidooda. Si kastaba ha ahaatee, haddii mulkiiluhu uu doonayo caawinta magaalada si ay meesha uga saaraan qoraallada, waxay buuxin karaan Foomka Ogolaanshaha iyo Fasaxa ee ka saarista qoraallada bilaashka ah.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan ka saarista qoraallada iyo wax ka dhimista, fadlan dib u eeg buug-yarahaan ka-hortagga iyo ka saarida qoraallada.
3. Deeqaha Amniga dukaamada hortooda waa $6,000. Ma jiri doonaa fursad deeq-lacageedku ku dhaafo xadkaas xaalado gaar ah, sida marka loo baahdo in la sameeyo maalgelino badan?
Waxaan aqoonsannahay in qiimaha tallaabooyinka ammaanku uu ka badan karo $6,000. Si kastaba ha ahaatee, deequhu waxay ku koobnaan doonaan $6,000 si ay Magaaladu u caawiso ganacsiyo badan intii suurtagal ah.
4. Ganacsi noocee ah ayaa u qalma maalgelintan?
Ganacsiyada faa'iido-doonka ah ama kuwa aan faa'iido doonka ahayn sida 501(c)(3), 501(c)(6), ama 501(c)(19), kuwaas oo leh meherado muuqda oo ku yaal dabaqa hoose ee u adeegaya dadweynaha, iyo sidoo kale baabuurta cuntada (food trucks), waxay xaq u leeyihiin Sanduuqa Ammaanka Meheradaha Hortooda (Storefront Security Fund). Dhamaan codsadayaasha waa inay haystaan shatiga ganacsiga ee magaalada Seattle oo aan dhacsanayn.
5. Waa maxay Ka-hortagga Dembiyada iyadoo la adeegsanayo Naqshadaynta Deegaanka ee ka hortaga Danbiyada - CPTED?
Kahortagga Dembiyada Iyadoo la adeegsanayo Naqshadaynta Deegaanku waa hab ku saleysan meel iyo hab adag si looga hortago dembiyada iyadoo la isticmaalayo naqshadeynta iyo maareynta deegaanka la dhisay si loo saameeyo dabeecadda aadanaha si looga hortago dembiga iyadoo la kordhinayo dareenka khatarta dembiilaha. Waxaa loogu dhawaaqaa 'sep-ted', CPTED waxay yaraynaysaa dhibaateynta, waxay kordhisaa aragtida badbaadada, waxayna aqoonsanaysaa doorka muhiimka ah ee bulshadu ku leedahay abuurista iyo ilaalinta meelo ammaan ah.
CPTED waxay bixisaa qaab lagu qiimeeyo jawiga muuqaalka ah iyo kan bulshada ee goobaha kala duwan, iyadoo lagu saleynayo sida loo isticmaalo si loo aqoonsado qaababka dhaqdhaqaaqa, adeegyada iska hor-imaanaya, loo kala saaro saameynta dhaqameed iyo tan taariikheed, iyo noocyada iyo heerarka ilaalinta ee goobta ka jira.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg bogga Waaxda Booliska Seattle ee CPTED iyo warqadaan.
6. Meheradaha xashiishka ma u qalmaan inay codsadaan?
Haa, dukaamada xashiishadda, beeralayda, iyo qaybiyeyaasha ayaa codsan kara, waase haddii ay buuxiyaan shuruudaha kale ee u-qalmitaanka.
7. Sidee loo dooran doonaa Guulaystayaasha deeqaha?
Waxaan dib u eegi doonaa oo habayn doonaa codsiyada marka ayna soo garaan. Si loo caawiyo ganacsiyada yaryar ee laga yaabo inay la kulmeen saamaynta dhaqaale ee ugu weyn, waxaanu siin doonaa mudnaanta kooxahan soo socda:
Meheradaha yaryar ee ay leeyihiin dadka madow, kuwa asaliga ah, iyo dadka midabka leh.
Ganacsi yar oo haweenku leeyihiin.
Ganacsiyada yaryar ee ku yaal dariiqa tirakoobka oo aad u dhiban oo leh ugu yaraan 30% saboolnimo ama aan ka badnayn 60% dakhliga dhexdhexaadka ah. Fiiro gaar ah: Meelahani waxay buuxinayaan qeexida Maamulka Ganacsiga Yaryar ee " Bulshooyinka dakhligoodu yar yahay."
Fiiro gaar ah: Shaqaalaheenu waxay kula xidhiidhi doonaan codsadayaasha telefoon ahaan lambarka 206 ama iimaylka ku dhammaanaya @seattle.gov. Waxaad ku xaqiijin kartaa aqoonsiga shaqaalaha adiga oo wacaya (206) 684-8090.
8. Kuwa Abaalmarinta la siiyey miyay u baahan yihiin inay dib u bixiyaan lacagta?
Maya, tani waa deeq. Ganacsatada loogama baahna inay dib u bixiyaan lacagta.
9. Deeqaha ma loo xisaabiyaa dakhli la cashuuri karo?
Maya, deequhu maaha dakhli la cashuuri karo.
10. Shaqaalaha waqtiga-dhiman ma lo xisaabiyaa shaqaale ahaan?
Haah, qof kasta oo mushaar qaata waxa loo tiriyaa shaqaale ahaan.
11. Waa maxay isha maalgelinta ee Sanduuqa Amniga meheradaha hortooda?
Sanduuqa Amniga ee dukaamada hortooda waxa lagu maalgeliyaa Cashuurta Kharashka Mushahar bixinta.
12. Codsadayaashu ma heli karaan maalgelinta ka hor intaanay wax iibsan?
Maya. Barnaamijka ku noqoshada Ganacsigu wuxuu ku shaqeeyaa nidaamka lacag-celinta (reimbursement), taas oo micnaheedu yahay in codsadayaashu ay horay u soo iibsadeen qalabka ama ay soo bixiyeen lacagta dayactirka.
13. Sidee codsadeyaashu u heli doonaan maalgelinta?
Codsadayaasha xaqa u leh waxay boostada ka heli doonaan jeeg. Waxaad haysata ikhtiyaarka ah inaad ku hesho jeegaga shakhsi ahaan haddii loo baahdo.