La cusbooneysiiyay 8/6/2025
Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga wuxuu taageeraa ganacsiyada yar-yar ee ay saameeyeen Falalka waxyeellada iyo burburka hantida. Waxay kaa caawinaysaa saddex qaybood:
- Deeqda Dayactirka Dukaanka Iridiisa (Hortiisa). Deeqo lagu caawiyo ganacsiyada inay dib u soo ceshadaan kharashaadka hagaajinta waxyeellada ka timaadda kharribaadda ama burburka hantida ee kale.
- Sanduuqa Ammaanka ee Meheradaha Hortooda. Deeq-lacageed loogu talagalay milkiilayaasha ganacsiyada si loogu soo celiyo kharashka ku baxay hagaajinta ammaanka.
- Maalgelinta Goobaha Ganacsiga ee Xaafadaha. Maalgelinta si kor loogu qaado badbaadada dadweynaha iyo muuqaalka goobaha ganacsiga ee xaafadaha.
Barnaamijkani wuxuu sii xoojinayaa guushii laga gaaray Sanduuqii Dayactirka Meheradaha (Storefront Repair Fund), kaas oo siiyay ganacsiyada yaryar deeqo lacageed si ay u dayactiraan hantidii waxyeelladu soo gaartay intii u dhexaysay 2022 ilaa 2024.
Wax badan ka ogoow Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda.
Ogow wax badan oo ku saabsan Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda.
Maalgelinta Goobaha Ganacsiga ee Xaafadaha
Ka sokow deeqaha lacageed ee loo fidinayo ganacsiyada gaarka ah, waxaan sidoo kale wada-shaqeyn la leenahay Goobaha Horumarinta Ganacsiyada iyo ururrada xaafadaha, si aan u maalgelinno mashaariic kor u qaadaya nabadgelyada bulshada, isla markaana ka dhigaya xaafadaha Seattle kuwo soo dhaweyn fiican. Hadafkayagu waa inaanu taageerno xalalka ay bulshadu hogaaminayso ee wax ka qabta caqabadaha maxaliga ah.
Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga waa qayb ka mid ah qorshaha soo kabashada dhaqaalaha ee Magaalada Seattle. Waxaa la sameeyay iyadoo lagu saleynayo talooyinkii ka soo baxay Kooxda Shuruucda Ganacsiyada Yaryar (Small Business Policy Group) oo ay isugu yeereen xafiiskayaga iyo xafiiska Duqa Magaalada (Mayor’s Office), si loo caawiyo ganacsiyada inay soo kabtaan, dib isu dhisaan, isla markaana sii wadaan adeegga ay bulshada u hayaan.
Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale.
Magaalada Seattle waxay ku dhiirigelinaysaa qof walba inuu ka qaybqaato barnaamijyadeeda iyo waxqabadyadeeda. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, Taageerada naafada, ama macluumaad ku baxa qaab kale, kala xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.