Somali / Soomaali
Ka dhig codkaaga mid muhiim ka ah doorashooyinka gudaha Seattle
Barnaamijka Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Voucher) waxa uu awood siiyaa dadka degen Seattle si looga qayb galo doorashooyinka maxaliga ah oo loo yareeyo caqabadaha u tartanka xafiiska iyaddoo la siinayo isha maalgelinta.
Waa maxay Foojarada Dimuqraadiyadu (Democracy Vouchers)?
Magaalada Seattle waxay siisaa Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers) dadka degen magaalada. Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers) waa shahaadooyin qiimahoodu yahay $25 mid kastaa oo dadka degan Seattle ay u isticmaalaan si ay ugu deeqaan ololayaasha maxaliga ah.
Murashaxiintee ayaa heli kara Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers)?
Barnaamijku waxa uu u yahay ikhtiyaar musharaxiinta. Murashaxiintu ka qayb gala barnaamijka waxay aqbali karaan foojaradaada. Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers) waxaa loogu deeqi karaa murashaxiinta ka qayb galaya ee u tartaramaya Qareenka Gollaha Magaalada, ama Duqa Magaalada Seattle.
Goorma ayay dhacaysaa doorashada xigta ee Magaalada Seattle (City of Seattle)?
Doorashada xigta ee Magaalada Seattle waa gudaha 2023.
Waad heli kartaa Foojarada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers) haddii aad tahay:
- Degentahay Seattle,
- Ugu yaraan18 sano jir, iyo
- Muwaadin Maraykan ah, Wadani Maraykan ah, ama qof si sharci ah u degen.
Haddii aad tahay cod bixiye diiwaangashan, waxaad si toos ah u heli doontaa Foojaradaada Dimuqraadiyada (Democracy Vouchers).
Sideen u bartaa wax ku saabsan musharaxiinta?
Booqo Bogga Hordhaca Murashaxa si aad u ogaado wax ku saabsan murashaxiinta u tartamaya xafiiska.
Ka hel murashaxa ka qayb galaya bogga murashaxiinta ka qayb galaya.
Wax su'aalo ah ma qabtaa? Fadlan soo wac (206) 727-8855 (caawimada luqadda ayaa la heli karaa).
Waad soo dejin kartaa ama daabac qoraaladan si loogu isticmaalo guddaha bulshadaada.
Codsiga Foojarka Dimuqraadiyada (Democracy Voucher)
Isticmaal Foojaradaada Dimuqraadiyada 2023 ee Doorashooyinka Seattle.