Somali / Soomaali
Ka dhig codkaaga mid muhiim ah Xiliga doorashooyinka Seattle
Boonooyinka Dimuquraadiyadda (Democracy Vouchers) waa hab ay dadka Seattle degan ay ugu tabarucaan dhaqaale musharixiinta ay taageerayan doorashooyinka Magaalada Seattle. Barnaamijka waxaa maalgeliya cashuurta hantida ee codbixiyuhu ansixiyay, taasoo ugu kacaysa milkiilaha hantida celceliska qiyaastii $13 sanadkii.
Waa maxay Boonada Dimuqraadiyadda?
Magaalada Seattle waxay siisaa dadka deggan Foojarrada Dimuqraadiyadda, kuwaas oo ah shahaadooyin loo isticmaalo in lagu deeqo ololaha maxalliga ah. Sanadka 2026, dadka degan Degmada 5 Seattle waxay heli doonaan laba Boono Dimuqraadiyadeed oo $50 ah.
Waa maxay sababta loo isticmaalo Boonooyinka Dimuqraadiyada?
Ka qaybqaadashadaadu waxay abuurtaa saameeyn. Barnaamijka Boonada Dimuquraadiyadda wuxuu caawiyay kordhinta iyo kala-duwanaanta tirada dadka Seattle deggan ee awood u leh inay ku deeqaan ololaha oo ay u tartamaan xafiis.
Waa kuwee musharaxiinta heli kara Boonooyinka Dimuqraadiyada?
Sannadka 2026, musharixiinta ka qayb galaya tartanka jagada 5aad ee Golaha Magaalada Seattle oo keliya ayaa aqbali kara foojarradaada si ay u taageeraan ololahooda.
Sidee baan ku bartaa musharaxiinta?
Ka hel musharax ka qayb galaya bogga musharaxiinta. Akhri isbarashooyinkooda musharax si aad wax badan uga ogaato musharaxiinta.
Goorma weeye doorashada soo socota ee Magaalada Seattle?
Doorashada soo socota ee magaalada Seattle waa 2026. Foojarrada Dimuqraadiyadda waxaa la isticmaali karaa laga bilaabo waqtiga aad hesho ilaa Noofambar 30, 2026.
Waxaad heli kartaa Boonooyinka Dimuqraadiyada haddii aad tahay:
- Reer Seattle (Qof Seattle degan),
- Ugu yaraan 18 sano jir, iyo
- Muwaadin Maraykan ah, dhalad Maraykan ah, ama degane rasmi ah oo sharci leh.
Looma baahna inaad noqoto codbixiye diwaangashan si aad u hesho boonooyinka Dimuqraadiyada. Haddii aad buuxiso shuruudaha kor ku xusan, waxaad codsan kartaa inaad hesho foojarrada.
Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan wac (206) 727-8855. Adeeg turjumaad luqadeed oo bilaash ah ayaa diyaar ah.