Somali - SOOMAALI

Tenant Animation - Renting in Seattle
Landlord Animation - Renting in Seattle

Waa maxay macluumaadka laheli karo?

Webseetku wuxuu macluumaad kabixinayaa xaquuqaha iyo waajibaadka dadka kiraystayaasha ah iyo mulkiilayaasha guryaha inta lagu jiro shaqada kiraynta laga bilaabo soogalida guriga illaa kabixida guriga. Waxay sidoo kale sharaxaad kabixinaysaa shuruucda Magaalada, xeerarka udagsan guriyaynta, iyo waxa aad samaynayso hadii adigga ama qof aad taqaano lakulmo takoor dhanka guriyaha ah.  Sidoo kale waad nasoo wici kartaa hadaad doonayso inaad qof lahadasho, lagu caawiyo, ama aad cabasho kagudbiso gurigaaga. 

Adeegyada turjumaanka ayaa markasta diyaar ah.

OGAYSIISKA ECONOMIC DISPLACEMENT RELOCATION ASSISTANCE:
Waxaad U qalmi Kartaa Caawimaad Dhaqaale
Barnaamijka Economic Displacement Relocation Assistance (EDRA, Caawimaada Barakaca Dhanka Dhaqaalaha) ayaa siinaaya kireysteyaasha u qalma dakhli ahaan ee lagu kordhiyay qiimaha kirada ah oo dhan 10% ama ka badan fursad ay ku codsadaan lacag ka caawinaysa inay guuraan. Fadlan keliya codso haddii aad doonayso inaad guurto.
Waa maxay faa'iidadu yaase bixinaaya?
Magaalada Seattle ayaa ka doonaysa mulkiileyaasha guryaha inay u sheegaan kireysteyaasha barnaamijkaan marka mulkiiluhu kordhiyo qarashka guud ee kaaga baxayaa kirada ugu yaraan 10%. Seattle Department of Construction and Inspections (SDCI, Waaxda Dhismaha iyo Kormeerka ee Seattle) ayaa lacagta kasoo qaadaysa mulkiileyaasha guryaha kadibna u qaybinaysa qoysaska u qalma. Haddii loo ogolaado, kireysteyaasha ayaa heli doona lacag halmar ah oo ay bixinayso Magaallada Seattle oo dhan 3 jibaar qiimaha kirada bishii ee guriga.

Macluumaad turjuman:

Bogaan webseetka waxaa kujira dukumiintiyo turjuman kuwaasoo macluumaad muhiim ah kabaxsha shuruucda kirada, difaacyada dadka kiraystayaasha ah, sharciyada guriyaynta cadaalada ah, adeegyada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Magalaada Seattle waxay aaminsantahay iskudhafnaanta iyo sinaanta dadka.  Dadka soogalootiga ah iyo qaxootiyaasha waa lagusoo dhawaynayaa magaaladaan.

Shaqaalaha magaaladu dadka mawaydiiyaan sharcigooda muwaadinimada waxayna ushaqeeyaan dhamaan dadka dagan magaalada ayadoon loofiirnayn inay soogalooti yihiin iyo inkale.

Si lagaaga caawiyo helitaanka guri raqiis ah, caawimaadna lagaasiiyo usoo guurida guri cusub, iyo adeegyada kale ee bulshadaba wac 2-1-1 ama 1 (877) 211-9274 ama booqo bogga win211.org.

Sharciyada Ilaaliya Kireystaha kadib marka uu dhammaado Amarka Mamnuucista Guri Ka saarida

Dukumintiyada Faa'iidada leh

KUSOOGUURIDA GURIGGA

KIRAYSTE AHAAN

KAGUURIDA GURIGGA

 

Renting in Seattle

Address: 700 5th Ave, Suite 2000, Seattle, WA, 98124
Mailing Address: P.O. Box 34019, Seattle, WA, 98124-4019
Phone: (206) 684-5700
Contact Us

The Seattle Department of Construction & Inspections (SDCI) includes permitting, construction inspections, code compliance and tenant protections, and rental housing registration and inspections.