Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo bixinta biilasha tamarta?
Ma ka dib dhacday biilkaaga Waaxda Korontada ee Seattle ama Adeegyada dadwaynaha ee guryaha Seattle?
Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno! Waxaan ognahay in masiibada COVID-19 ay ku adkaysay qaar ka mid ah macaamiisheena inay awoodaan adeegyada tamarta guriga aasaasiga ah sida korontada. Waxaan bixinaa fursado dib-u-bixinta iyo barnaamijyada kaalmada biilka si ay kaaga caawiyaan inaad iska bixiso baaqiga kaa maqan oo aad sii wadato helitaanka adeegyada tamarta guryaha ah.
Qorshayaasha Lacag-bixinta
Seattle City Light iyo Qorshayaasha Lacag-bixinta Adeegyada Dadweynaha Seattle
Haddii biilkaagu dhaafo waqtigii loogu talagalay Seattle City Light (korontada) iyo Adeegyada Dadweynaha Seattle (biyaha/ bulaacada/qashinka), waxaan siinaa qorshooyinka lacag-bixinta muddada-gaaban iyo muddada dheer dhammaan macaamiisha deegaanka iyo ganacsiga. Qorshaha lacag-bixinta, waxaad ku bixin kartaa baaqigaaga qaybo yaryar waqti ka dib. Markaad ku bixiso biilashaada tamarta cusub iyo qaybo ka mid ah qorshaha lacag bixinta, waxaad sii wadi doontaa adeegaaga tamarta marka aan dib u bilowno xiriirsiinta lacag-la'aanta.
Barnaamijyada Caawimada biilka
Haddii aad tahay macaamiisha degganka buxisayna shuruudaha u-qalmitaanka dakhliga, waxaad u qalmi kartaa kaalmada biilka joogtada ah iyo adeegyada kalmada degdegga ah.
Barnaamijka Dhimista Tamarta
Macaamiisha u qalma dakhliga waxay iska diiwaan gelin karaan barnaamijka qiimo dhimista adeega ee magaalada Seattle, kaasoo bixiya qiimo dhimis 60% ah biilasha Seattle City Light mustaqbalka iyo 50% dhimis biilasha mustaqbalka Seattle Public Utilities
Barnaamijyada Caawinta Biilka Degdegga ah
Seattle City Light
Haddii aad haysato baaqii hore ee $250 ama ka badan ee biilkaaga korontada ama aad halis ugu jirto in lagaa jarto korontodada, Barnaamijka Caawimada Biilka Degdegga ah ee Seattle City ayaa laga yaabaa inuu ku caawiyo. Macaamiisha u qalma dakhliga waxa ay heli karaan ilaa $1,420 sanadkii si degdeg ah, gargaar degdeg ah si loo dhimo baaqigoodii hore (oo loo qaybiyay laba $710 credits).
Adeegyada tamarta ee Seattle
Haddii aad ka danbeyso biilka biyaha/ bullaacadaha/qashinka oo aad halis ugu jirto in laga jarto Barnaamijka Gargaarka Degdegga ah ee Adeegyada Dadweynaha Seattle ayaa ku caawin kara. Macaamiisha u qalma dakhliga waxay heli karaan ilaa $1074 sanadkiiba si degdeg ah, gargaar degdeg ah si loo dhimo baaqigoodii hore ee saxda ahaa (oo loo qaybiyay laba $537 credits).
Nala soo xiriir
Haddii aad dib uga dhacday biilasha tamarta ama aad ku dhibtoonayso inaad bixiso lacag bil kasta, waxaanu kala shaqayn karnaa inaad dejiso qorshe lacag-bixineed iyo inaad codsato caawimada biilka si aad u ilaaliso adeegyadaaga tamarta.
Wac Kooxdayada Adeegga Macmiilka
Naga soo wac (206) 684-3000 (Isniin - Jimce; 7:30 subaxnimo - 6:00 galabnimo) si aad lacag u bixiso, kala hadal wakiil wax ku saabsan dejinta qorshe lacag-bixineed, ama aad u codsato barnaamijyada kaalmada biilka. Haddii aad u baahan tahay in lagugu caawiyo luuqad aan Ingiriisi ahayn, kooxdayada daryeelka macmiisha ayaa kugu caawin doona lacag la'aan luqadda aad doorbidayso.
Booqo xarumahayada adeega macaamiisha
Booqo Xarunta Adeegga Macmiilka si aad shakhsi ahaan biilashaada ugu bixiso kaash, jeeg, ama kaarka deynta.
- Seattle City Light xaruunta adeega waqooyi
1300 N 97th Street, Seattle, WA 98103 | Isniin - Jimce; 8:30 subaxnimo - 4:30 galabnimo | (206) 615-0600 - Seattle City light xaruunta adeega koonfur
3613 4th Avenue S, Seattle, WA 98134 | Isniin - Jimce; 8:30 subaxnimo - 4:30 galabnimo | (206) 386-4200 - Xaruunta adeega Ballard
5604 22nd Ave NW, Seattle, WA 98107 | Talaado - Jimce; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 684-4060 - Xarunta Adeegga Degmada Dhexe
464 12th Avenue, First Fl, Seattle, WA 98122 | Talaado - Jimce; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 684-4767 - Xaruunta adeega magaalada hoose
700 Fifth Avenue, Seattle, WA 98104 | Isniin - Jimce; 8:30 subaxnimo - 4 galabnimo | (206) 684-3000 - Xaruunta adeega Lake City
12525 28th Ave NE, 2nd Fl, Seattle, WA 98125 | Talaado - Sabti; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 684-7526 - Southeast Service Center
3815 S Othello St, Suite 105, Seattle, WA 98118 | Isniin - Sabti; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 386-1931 - Southeast Service Center
2801 SW Thistle St, Seattle, WA 98126 | Isniin - Jimce; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 684-7417 - Xarunta Adeegga Jaamacadda
4534 University Way NE, Seattle, WA 98105 | Talaado - Sabti; 9 subaxnimo - 5 galabnimo | (206) 684-7542