Taageerada Sharciga Kireynta Guryaha ee COVID-19

Ururka iskaashatadeyna, Communities Rise iyo Perkins Coie LLPwuxuu abuuray aaladda loo yaqaan COVID-19 Lease Amendment Toolkit oo loogu talagalay ganacsatada yar yar iyo macaashka. in la bixiyo macluumaad iyo dukumiinti muunad ah si looga caawiyo iyaga inay kala xaajoodaan xaaladdooda kirada mulkiilaha ganacsigooda Waxay kugula talinayaan ganacsiga yar yar iyo macaashka in ay qaadaan talaabooyinka soo socda:

  1. La xiriir milkiilaha guriga–waqti hore, wada-hadal qoraal ah oo lala yeesho milkiilaha ayaa la door bidaa
  2. Dib u fiiri kireyna gurigaaga
  3. Kala hadal kiradaada iyo heshiiska kirada
  4. Baar faahfaahinta caymiska
  5. Adeegso tusaalooyinka

Waxay kaloo bixiyaan la-talin 60-daqiiqo oo bilaash ah oo ay la leeyihiin garyaqaan u dooda ganacsiyada yar yar ama samafalayaasha oo leh 50 shaqaale ama wax kayar si looga caawiyo su’aalaha la xiriira kirada COVID-19. Si aad u codsato ballan, buuxi foomkan qaadashada.

Hadaad ubaahantahay caawimaad buuxinta foomka qaadashada ama aad ubaahantahay caawinaad luuqadda ah, fadlan imayl garee oed@seattle.gov ama wac xafiiska hormarinta dhaqaalaha (206) 684-8090 una dhaaf farriin codeed ee macluumaadka soo socda:

  1. Magacaaga
  2. Lambarka taleefanka
  3. Luqadda aad ugu baahan tahay Ingiriisiga
  4. Noo sheeg inaad hayso su'aalo la xiriira heshiiska kirada

Shaqaalaha ku hadla Afka Soomaaliga ayaa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celin doona wicitaankaaga..

Gobolka Washington iyo Magaalada Seattle Xayiraad Kooban Ka Bixinya Ganacsiga

Magaalada Seattle:

  • Laga bilaabo Maarso 17, 2020 illaa Sebtember 30, 2021, waxaa jira moratorium ku saabsan ganacsiga yar yar, deggenaanshaha iyo ka saarida aan macaash doonka ahayn
  • Milkiileyaasha kama ceyrin karaan karaan ganacsatada yaryar iyo hay'ad samafalka ah ee bixinta kirada
  • Milkiileyaasha guryaha waxaa looga baahan yahay inay qorshe lacag bixin ah lagalaan ganacsiyada yaryar iyo macaashka
  • Milkiileyaasha kama kordhin karaan kiraysiga ganacsiga yar ama samafal ilaa COVID-19 aaney ahayn xaalad degdeg ah
  • Kireystayaashu waa inay ku soo celiyaan kirada hal sano gudahooda
  • Milkiileyaasha ma qaadi karaan khidmad dambe, dulsaar, ama kharash kale

King County:

Afeef

Macluumaadkaan iyo dhammaan dukumiintiyada ee loo sameeyay Qalabka Wax ka beddelka Kirada ayaa loogu talagalay ujeedo waxbarasho oo keliya ah, oo aan ahayn talo sharci ama mid dhaqaale. Had iyo jeer waa fikrad fiican inaad la tashato qaryaqaan si aad u hesho talo ku saabsan sida sharciga loo tarjumi karo iyadoo lagu saleynayo xaaladaada. Waxa kale oo fikrad fiican ah in lala tashto xisaabiye su’aalaha dhaqaalaha.

Mahadsanid

Perkins Coie LLP Logo

Economic Development

Markham McIntyre, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 5752, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 94708, Seattle, WA, 98124-4708
Phone: (206) 684-8090
Phone Alt: (206) 684-0379
Fax: (206) 684-0379
oed@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Economic Development

The mission of the Office of Economic Development (OED) is to help create healthy businesses, thriving neighborhoods, and community organizations to contribute to a robust economy that will benefit all Seattle residents and future generations.