English
አማርኛ
繁體中文
한국어
Soomaali
Español
Tiếng Việt

Photo credit: Jay Galvin

Qorshaha Tubta Soo kabashada

Duqa Magaalada Jenny A. Durkan iyo hogaamiyaasha bulshada ee bartamaha Seattle ayaa ku dhawaaqay Road to Downtown Recovery plan (Qorshaha Tubta Soo kabashada), kaasoo ay ku jiraan dadaallo cusub iyo maal geshiyo lagusoo celinaayo shaqaalaha, ganacsiyada yaryar, iyo martida deegaannada bartamaha magaallada. Ayadoo adeegsanaysa Seattle Rescue Plan (maal geshiyada Qorshaha Gurmadka ee Seattle) iyo sanduuqyada kale ee federaalka, Magaaladu waxay ku maal gelinaysaa in ka badan $9 milyan mashruucyada soo kabashada bartamaha magaallada, ayna ku jiraan dadaallo wax looga qabanaayo afafka hore ee dukaannada maran, caawimaad kaash toos loogu siinayo ganacsiyada yaryar ee faras magaalaha, iyo barnaamijyada hormarinta shaqaalaha ee shaqaalaha bilaa shaqada ah ama aan shaqo ku filan haysan ee hudheellada. Ujeedooyinka dadaalkaan soo kabashada awgood, qeexitaanka magaallada ee bartamaha ayaa cayimaada Seattle Center (Bartamaha Seattle) ilaa Stadium District (Degmada Garoonka Kubada) iyo I-5 Waterfront (Deeqannada biyaha ku xeeran ah).

Magaalada Seattle iyo Iskaashatada Faras Magaalaha ayaa qabanaaya "Welcome Back Weeks" bisha Luuliyo iyo Sibteembar si loo kordhiyo Martida Imaanaysa Faras Magaalaha

Ayadoo qayb ka ah dadaalada magaalada ee kordhinta munaasabadaha iyo barnaamijyada faras magaalaha, magaallada iyo DSA ayaa iskaashanaaya qabashada labo wareeg oo ah Welcome Back Weeks ("Asbuucyada Dib usoo Dhawaynta") laga bilaabo Luuliyo 12 - 25 iyo Sibteembar 4 - 19. Welcome Back Weeks waxaa ku jiri doona munaasabado u dhexeeya masraxyada waawayn iyo xaraashka tafaariikhda ee dalabaadka gaarka ah si loo dhiiri gasho taageerida maqaayadaha iyo baararka yaryar ee faras magaalaha.

welcome back to Chinatown-International District

Ku soo dhawow: Chinatown-International District! 

Dabaaldeg laba maalmood ah oo ay ku jirto cuntada iyo dhaqanka maxalliga laguna qabaniyo Hing Hay Park, waxaana kale lagu soo bandhigiyaa:

  • Banaanbaxyo faneed dagaal, libaaxyo qoob ka ciyaarka, iyo bandhig dhaqameed
  • Muusig toos ah iyo bandhig faneedyo ka socda fanaaniinta maxaliga ah Hollis, Chong the Nomad, Evan Flory Barnes, Bleachbear, Daniel Pak, Massive Monkees, Chrysalis Circus, Totem Star, iyo inbadan
  • Talaalaha la bixindoono oo ka mid ah Johnson & Johnson iyo Pfizer

Goorma: Sabtida, luulyo 17, iyo Axadda Luulyo 18, 11 am - 7 pm 

Halkee: Hing Hay Park, 423 Maynard Ave S, Seattle, WA 98104

 

welcome back to pioneer square

Ku soo dhawow: Pioneer Square!

Bandhig faneed ee ka dhacaya Occidental square, oo leh:

  • Muusig toos ah oo ka socda Shaina Shepherd, Shenandoah Davis, iyo The Black Tones
  • Bandhigga 'Helitaanka Moodada (Found Fashion)' ee loo yaqaan faneed ka laga soo qaaday Jidka
  • Daabacaadda shaashadda bilaashka ah ee laga soo qaaday Bandhiga Faneed ee koofiyada Xaflada (Party Hat Gallery)
  • Beerta khamriga (in la go'aamiyaa)
  • Talaalaha la bixindoono oo ka mid ah Johnson & Johnson iyo Pfizer  

Goorma: Sabtida, luulyo 24, 10:30 subaxnimo - 3 galabnimo 

Halkee: Occidental Square, 117 S Washington St, Seattle, WA 98104

 

welcome back to westlake

Ku soo dhawow: Westlake!

Dabaaldeg u wanaagsan qoysaska kana dhacaya Westlake Park iyo Pacific Place, waxaa lagu soo bandhigiyaa:

  • Dhacdo 'Halloween in July' ah oo carruurta iyo qoysasku ay soo lebisan karaan kana qayb gali karaan ciyaarta loo yaqaan nanac ama khiyaano Ciyarahaas oo ka qayb gali doona iibiyeyaasha maxalliga ah iyo dukaamada Westlake Park iyo Pacific Place
  • Iibka waddooyinka iyo gawaarida xamuulka ee raashinka wata oo ay la socdaan milkiileyaasha ganacsiyada yaryar ee maxalliga ah oo dukaammadooda keenaya goobaha dadweynaha ee loogu talagalay iibinta dibadda
  • Rinjiyeynta wejiga oo bilaash ah, tartanka dharka, qoob ka ciyaar FARXAD BADAN, aqoon isweydaarsiyo iyo waxqabadyo loogu talagalay qoyska oo dhan
  • Bandhigyo toos ah maalintii oo dhan oo ay ka mid yihiin El Vez, Teatro Zinzanni, SANCA's Cirrus Circus, Lelavision, Up Up Circus iyo inbadan
  • Talaalaha la bixindoono oo ka mid ah Johnson & Johnson iyo Pfizer

Goorma: Axad, luulyo 25 12 - 8 pm (isbeddeli karo)

Halkee: Westlake Center, 400 Pine St, Seattle, WA 98101

Ganacsiyada iyo ururada doonaaya inay barnaamijyo baxshaan inta lagu jiro Welcome Back Weeks waa inay buuxshaan foomkaan si ay hawlahooda ugu gudbiyaan DSA si loo xayiisiiyo. Magaallada ayaa sidoo kale maal gashanaysa dhammaan degmooyinka ganacsiga ee faras magaallaha u dhaw-dhaw si loosii taageero barbanaamijyada xagaaga. Laga bilaabo Juun, Magaallada ayaa si tartiib ah dib u furaysa xarumaha faras magaallada ayna ku jiraan City Hall, Central Library, iyo Xarunta Seattle Center ayna ku jiraan ururada dagan ee fanka iyo Climate Pledge Arena bisha Oktoobar.

Ayadoo adeegsanaysa Maal gashiyada Seattle Rescue Plan, Magaalada Seattle ayaa ku Maal gelinaysa in Ka badan $9 milyan Mashruucayada Soo kabashada Faras Magaalaha. 

Waxaa dheer, si loo hubiyo inay helaan khibrada badqabka, iyo soo dhawaynta leh shaqaalaha faras magaalada, martida iyo dadka deegaanku, Metropolitan Improvement District (Degmada Maalgashiga Bartamaha), taasoo ay maamusho DSA, ayaa ku maal gelinaysa $3.2 milyan qalab dheeraad ah, nadaafada, munaasabadaha, iyo nashaadaadka, ayna ku jiraan muusiga iyo adeegyada kale.

Ayadoo qayb ka ah dadaalka soo kabashada faras magaalaha, Magaalada ayaa caawimaad kaash ah oo toos ah siinaysa ganacsiyada yaryar ee bartamaha iyo ururada fanka iyo dhaqanka, waxayna sidoo kale maal gelin doontaa barnaamij lagu hawl gelinaayo dukaannada safka hore ee maran si loogu xiro rakibaad farshaxan oo ku meel gaar ah, shaqo, iyo pop-up boobsiiska ah. Magaallada ayaa kordhinaysa khayraadka Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle) si loo siiyo ruqsado dheeraad ah oo bilaash ah si looga shaqaysiiyo wadooyinka iyo marinnada geeska wadada si loo taageero ganacsiyada bartamaha, ayadoo yoolku yahay labo jibaarida tirada ruqsadaha lagana dhigaayo 120 dhammaadka Sibteembar.

Si loo fududeeyo soo laabashada shaqaalaha iyo ganacsiyada yaryar, marka la gaaro deyrtaa, Magaallada ayaa bilaabaysa hormarinta cusub ee shaqaalaha iyo taageerooyinka meelaynta shaqada ee shaqaalaha aan shaqada haysan ama shaqada ku filan lahayn ee hudheellada faras magaalaha, waxayna isku dubada ridaydaa iskaashatada heer gobal si loo qabto shirka tignooloojiyada si loo hormariyo xalalka bulshada ee hormarinta sinaanta isirada ee qaybta tignooloojiyada. Si shaqaalaha dhiiri gelin dheeraad ah loogu siiyo kusoo laabashada bartamaha magaallada loona maal gasho adeegsiga gaadiidka, SDOT ayaa dhawaan billoowday barnaamij lagu siinaayo 2,000 oo kaararak ORCA ah shaqaalaha Chinatown-International District iyo maqaayada Pioneer Square iyo shaqaalaha dukaanada adeegga cuntada. Magaallada ayaa muhiimada siin doonta caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha iyo ganacsiyada yaryar ee faras magaalaha ayadoo kordhinaysa - illaa heerka macquulka ah ee xadiyada shaqaalaysiinta ee Seattle Police Department(Waaxda Booliiska ee Seattle) - joogitaanka saraakiisha la dhaarshay iyo Kuwa Adeegyada Bulshada ee deegaannada ay ku bataan danbiyada, ayna la socdaan dadaalo jooto ah sida balaarinta Health One, si adeegga ugu fiican loo siiyo shaqsiyaadka aadka u nugul ee aan haysan saraakiisha la dhaariyay ee u gurmata.

Magaallada iyo degmada ayaa sidoo kale dhaqan gelinaaya khayraad cusub si xal loogu helo dadka nugul ee ku nool hooy la'aanta ayadoo diirada ugu wayn la saari doono faras magaalaha S. Seattle Rescue Plan ayaa ka caawin doona 750 qof oo waajahaaya hooy la'aan, ayna ku jiraan ka caawinta 450 qof inay u guuraan meelo badqab leh iyo abuurista 300 oo guryo cusub ah. Maal gashiyada cusub ee degmada King ay maal gashanayso hooy la'aanta ayaa rari doonta 500 oo qof oo kale oo ku dhaqan bartamaha magaalada iyo meelaha aan deegaanka ahayn ee Degmada King una raraysa meelo amaan ah.

Ayadoo qayb ka ah qurxin magaallada, Magaaladu waxay isku dubaridi doontaa shaqooyinka nadiifinta qashinka ee ganacsiyada faras magaalaha iyo waaxaha Magaalada si loo hubiyo in degaannada lagu qaban doono munaasabadaha muhiimada la siiyo. Dadaaladaan waxay qayb ka yihiin Clean City program (Barnaamijka Nadiifinta Magaalada) iyo qashin gurista, iyo sidoo kale dadaallo cusub oo dib loogu hawl gelinaayo bokisyada beerista, laguna kordhinaayo qurxinta, farshaxanka, iyo baalmooyinka nalka. Washington State Department of Transportation (Waaxda Gaadiidka ee Gobalka Washington) ayaa xal u heli doonta marinnada faras magaalaha ee I-5 oo lagu samayn doono sifayn iyo qashin aruurin.