Gudiga Fillimada ee Seattle

Playful graphic design with a peach-colored splash over a light blue background. A film projector is at the center and sparkles surround it.

Gudiga Filimada ee Seattle waxay ka tallo bixin oo sameyn  tallooyin ku aadan Magaalada Seattle ee siyaasada hormarinta iyo barmaanijyada taasoo wanaajinaysa horomarka dhaqaalaha ee mihnada filimada ee Seattle.  Yoolku waa in la sameeyo korniimo fursadeed ee shirkadaha filimada iyo shaqaalaha ee deegaan, lagu xiro shaqaale kartiyo tayo leh, horumarisa sinnaanta jinsiyadeed ee mihnadan, oo laga dhigo Seattle goob jiidasho leh soo saarista filimada.

Codsiyadu iyo magacaabista Gudiga Filimada Seattle waxaa la aqbalayaa ugu danbeyn Maarso 12, 2023 qiyaastii 11:59 p.m.

Foomamka codsiyadu iyo tallo-bixintu waa in lagu soo gudbiyo luqada Ingiriiska. Shaqaae laba luqadood ku hadla ayaa la helayaa si'ay kuu caawiyaan si'aad u dhameyso foomamka oo ayna kaaga jawaabaan su'aalahaaga.  Si aad u codsato adeegyada turjumaada, fadlan wac (206) 684-8090.

Miyaad daneyneysaa inaad codsato?

Fadlan buuxi cogsigan gaaban:Foomka Codsiga Xubinta Gudiga Filimada.

Waxaad u baahan tahay inaad ku lifaaqdo nuqul taariikh shaqeedkaaga ah qormo gaaban oo ujeed ah.

Miyaad jeceshahay inaad magacowdo xirfadle mihnada filimka?

Waxaad soo gudbin kartaa magacaabistaada adoo isticmaalya lifaaqan: Foomka Codsiga Xubinta Gudiga Filimada ee Seattle.

Nidaamka codsiga iyo magacaabista

Foomku waa in lagu soo gudbiyo Ingiriis. Shaqaae laba luqadood ku hadla ayaa la helayaa si'ay kuu caawiyaan si'aad u dhameyso foomamka oo ayna kaaga jawaabaan su'aalahaaga.

Kadib markey xiranto mudada gudbinta Maarso 12,2023, Duqa Magaalda iyo Golaha Deegaanka ayaa xulanaya xubnaha Gudida Filimada ee Seattle.

Ma u baahan tahay caawinaad ama su'aalo ma qabtaa?

Fadlan wac (206) 684-8090 wixii caawinaad ahoo ku qor macluumaadka soo socda fariinta codkaaga: magaca, lambarka taleefanka, luqadda aad doorbidayso, iyo nooca taageerada loo baahan yahay.

Boosas baan banaana

Gudiga Filimada Seattle waxay noqon kuwo kala duwan, koox 11 xubnood oo matalaya xirfada (mihnada) filimka 11 aqooneed oo filimka la xiriirta. 

  • Booska 1: Hibada shaashada ama wakiiladooda.
  • Booska 2: Ururka Iskaashatada Xirfada Filimka.
  • Booska 3: Hey'adaha xayeysiinta iyo hal-abuurka.
  • Booska 4: Soosaayaraasha ganacsiga iyo shirkadaha wax soo saara.
  • Booska 5: Iskuulada filimka, bamaanijyada filimka, ama macalamiinta filimka.
  • Booska 6: Shirkadaha wax-soosaarka kadib iyo shaqaalha, sida tifaftirayaasha, hal-abuurayaasha iyo kormeerayaasha-danbe.
  • Booska 7: Kooxda soo-saarka filimka, oo ay ku jiraan balse lagu xadideyn macaash,dhigista, dharka, qurxinta, kaamirada, xajinta, iyo korontada.
  • Booska 8: Xafladaha filimka ama shirkadaha qaybinta nuxurka filimka.
  • Booska 9: Maareeyayaasha goobta filimka.
  • Booska 10: Ururada filimka ee ka-mid-ahaansha iyo u-doodista bulshyooinka matalaadoodu ku yar tahay mihnada filimka.
  • Booska 11: Tiknoolajiyada isquusinta (sida la kordhiyo, la balaariyo, la qaso, iyo fogaan araga xaqiiqda ah) iyo tiknoolajiyada ganacsiga soo baxaya.

Barnaamijyada soo socda ama caawinaada

Si'aad u hesho xog cusub oo ku saabsan barmaanijyada ka imaanya Xafiiska Hormarinta Dhaqaalaha, fadlan rukumo jaraa'idkeenaama nagala soco warbaahinta bulshada @SeattleEconomy Twitter,Instagram, iyoFacebook.

Magaalada Seattle waxay ku dhiirigelinaysaa qof walba inuu ka qaybqaato barnaamijyadeeda iyo waxqabadyadeeda. Wixii su'aalo dheeraad ah, tarjumaad dhinaca qoraalka ah ama tarjumaad dhinaca afka ah, caawimo farsamo, adeega naafada, agab qaabab kale ah ama macluumaadka la heli karo, fadlan kala xidhiidh Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha (206) 684-8090 ama oed@seattle.gov.

Film and Music

Markham McIntyre, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 5752, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 94708, Seattle, WA, 98124-4708
Phone: (206) 684-8993
filmoffice@seattle.gov

The Office of Film and Music is devoted to promoting Seattle's film and music industries. The Seattle Film and Music Office is a streamlined resource for all of your film and music needs.