Link to Transportation Home Page Link to Transportation Home Page Link to Transportation About Us Page Link to Transportation Contact Us Page
Delivering a first-rate transportation system for Seattle Scott Kubly, Director

Services 

Projects 

Planning 

Resources 

Events

News

Site Index


Rainier Avenue South Road Safety Corridor
Three Year Collision History
Three Year Collision Diagrams
Vision Zero
Speeding
Distraction
Impairment

Rainier Avenue S Corridor Project

Last updated: September 7, 2017

Dulmarka Mashruuca

Sannadkii 2014, waxaan biloownay hawl wada shaqayn oo dib loogu eegayo xaaladaha ka jira Rainier Avenue S. Maadaama ammmaanku uu yahay muhiimadeena ugu horaysa, waxaynu ballan ku marnay in aynu ka hortagno isku dhacyada shilalka iyo horumarinta ama wanaajinta ammaanka dhammaan dadka safarka ah. Mashruucaan waa qayb kamid ah barnaamijka Seattle’s Vision Zero si loo gaaro taraafik dhimmasho la’aan ah ama aan lahayn dhaawacyo halis ah sannadka 2030.

Marxalada 2
Sannadkan waxaan sii wadaynaa in aynu ka shaqayno Rainier Ave S laga bilaabo S Kenny St illaaS Henderson St. Halkan waxaa ku qoran ahdaafteena ammaanka:

  • Yaraynta isku dhacyada shilalka
  • Yaraynta tirada dhaawacyada halista ah ama dhimashada ka dhasha shilalka
  • Kor u qaadida ammaanka dadka oo dhan
  • Xaqiijinta hufnaanta iyo isku halaynta adeega gaadiidka

Tallaabooyinka la tixgeliyay waxaa kamid ah: qaboojinta taraafikada, casriyaynta nalalka taraafikada, dayactirida laamiga, iyo kor u qaadida ammaanka dadka baaskiilka wata iyo kuwa lugaha ku socdaba. Sidoo kale waxaynu samayn doonaa qalab waxbarasho ah kuwaas oo sheegaya arimaha hab dhaqanka sida xawaaraha, mashquulida ayada oo gaariga la wado, iyo daciifnimada gaari wadida iyo samaynta meel-gaar u ah wacyi gelinta si looga hortago isku dhacyada shilalka ah.

Marxalada 2 Doorashooyinka

Bedelka 1 (Leemanka ama Waddooyinka Kaliya Baska):

Bedelka 1

Faa’iidooyinka:

  • Gelitaanka Gaarka ku ah Ganacsiga iyo Gaadiidka (BAT) wuxuu wanaajinayaa shaqada baska (xusuusnoow – u leexashada midigta meelaha la maro iyo isgoysyada ayaa la oggolyahay)
  • Waxay xajinaysaa gaari dhigashada-waddada dhinaca Rainier Ave S
  • Waxay taageeraysaa mustaqbalka RapidRide (ka bixida King County Metro Route 7)

Tixgelinada:

  • Leemanka ama waddada kaliya baska ah waxaa loo isticmaali karaa sida in ay tahay leen ama waddo ka gudbideeda aan sharci ahayn
  • Waxaa dhici karta in laga saaro qaybaha gaari dhigashada ee meesha mashruuca ah

Bedelka 2 (Leemanka ama waddooyinka Baaskiilka La ilaaliyay):

Bedelka 2

Bedelka 2
Qaybta gudbida ee ah isgoysyada waawayn

Faa’iidooyinka:

  • Wuxuu bixiyaa waddo baaskiil koonfurta-waqooyi ah
  • Waxay badisaa isticmaalka booska waddada-midigta-ah ee loogu talogalay baaskiilada iyo baabuurta
  • Waxay bixisaa gaari dhigasho waddada-ah

Tixgelinada:

  • Waxaa dhici karta in ay hoos u dhigto gaadiidka iyo xawaaraha guud ee taraafikada

Waxaynu gacanta ku haynaa shaqada Mashruuca Rainier RapidRide si aynu naqshad ugu samayno mustaqbalka Rainier Ave S. Hadafkeenu wuxuu yahay in aynu samayno hagaajino muddo gaaban ah oo lagu samaynayo Rainier Ave S, sida ugu dhakhsiyaha baddan ee sannadka 2018, midaas oo taageeraysa naqshada iyo dhismaha adeega RapidRide ee lagu cusboonaysiinayo King County Metro Route 7 sannadka 2021.

In la sameeyo leen ama waddo RapidRide ah oo ka bilaabata Bartamaha magaalada Seattle tooska Mt Baker illaa Rainier Beach midaas oo dadka ka dhigaysa in ay isaga gudbaan:

  • Basas si joogta ah loo helo oona wakhtigooda ku imaada
  • In lagu daro basas baddan oo habbeenkii ah iyo dhammaadka todobaadka
  • In lagu xiro nalal boosteejooyinka baska ee Metro RapidRide, macluumaad-sax ah oo wakhtiga baska imaanaya ah, iyo wax intaas ka baddan
  • In la hagaajiyo xiriirada dadka lugaha ku soconaya iyo kuwa baaskiilka ama mootada saaran

Tooska mashruuca ammaanka ah, ee Bedelka 1aad leenka ama waddada baska ayaa lasoo jeediyay halka Bedelka 2aad ee leenka-ama waddada baska istaago la tixgelinayo si aan basku ugu khasbanaanin in uu banaanka uga baxo haddana kusoo noqdo leenka ama waddada lagu safro.

Sidoo kale anagu waxaynu fiirinaynaa meelaha baska istaago ee hadda ah iyo inta baabuur ama dad ee isticmaasha halkaasi.

Khariidada hoose waxay kuu sheegaysaa macluumaadka hab raacitaanka dadka iyo tirada boosteejooyinka basaska yar-yar ee laga saarayo ama la wareejinayo. Haddii isbedelada hoose la sameeyay, waxay macnaheedu tahay in qaar kamid ah dadka basaska raaca ay soconayaan ku dhowaadkii 2 daqiiqo ama ka baddan.

Jadwalka

Xagaa 2017: Wadaag doorashooyinka si aad fikradaada u dhiibatid
Dayr 2017: Fikrada u dambaysa ee loogu talogalay naqshada
2018: Dhismaha
2019: Qiimeynta Mashruuca

Lacago

SDOT waxay lacag maalgelin ah ka heshay dhinaca Real Estate Tax si ay ugu maalgeliso marxalada labbaad ee Rainier Ave S Corridor Improvements Project. Mashruuca sidoo kale waxaa laga maalgeliyay dhinaca Levy to Move Seattle, 9-sanno $930 milyan oo canshuurta laga oggolaaday dhinaca codbixiyayaasha sannadkii 2015.

Qalabka

Warqada xaqiiqda mashruuca

Home | About Us | Contact Us | Site Index | News | FAQs | E-Mail Alerts