Working for a safe, affordable, vibrant, innovative, and interconnected city.
Learn More
Seattle.gov Home Page
Seattle.gov This Department
Link to The Greater Seattle Datasheet Home Page Link to The Greater Seattle Datasheet Home Page Link to The Greater Seattle Datasheet About Us Page Link to The Greater Seattle Datasheet Contact Us Page
English | Espanol | Francais | Italiano | русский язык | 日本語 | 中文 | 中文(简体) | Somali | Tagalog
Waraaq-Xogeedka Magaalo-Weynta Seattle
Goobta Ay Ku Taal
Tiro-Koobyada
Tayada Nolosha
Waxbarashada
Goobaha Waxtarka U Leh Beesha
Dhaqaalaha
Shaqooyinka-Gaarka Ah Iyo Mehradaha
Xarumaha Dalxiiska Iyo Shirka
Ganacsiga Caalamiga
Gaadiidka
Isgaarsiinta
Dawladaha
Macluumaad Dheeraad Ah

GAADIIDKA

This information is from 2008. Updated information for 2011 will be available soon.

Adeegga Tareennada iyo Baska
Burlington Northern iyo Union Pacific ayaa bixiya adeeg iskaga-gudubqaaradeed yaa Seattle ka howlgaliya sedex boosteejo gaadiid oo kala duwan. Adeegga rakaabka ee taga magaalooyinka ugu waaweyn ee Mareykanaka waxa bixiya Amtrak. Jidad kala duwan oo baska ah ayaa isku xira magaalooyinka waaweyn ee Mareykanaka, Kanada, iyo meelaha illaa fogaanta leh magaalada Tijuana, Mexico. Seattle waxa u shaqeeya nidaam bas oo kaawntiga oo idil ka jira oo leh goobo ka tirsan xaafadaha faras magaalada (downtown) oo basaska lagu raaco bilaash. Qorshaha Tareenka ee Sound (Sound Transit plan) ee doortayaashu oggolaadeen ayaa ku socda in u isku daro gaadiidka agagaaraha magaalo weynta Seattle iyaga oo isticmaalaya gaadiidka fudud (light rail), xadiid dadka qaada (oo hadda ka shaqeeya laga bilaabo Takooma iyo Everett illaa Seattle), oo ah 200 mayle oo daariiqyada HOV ah iyo jidadka basaska degdega ee degmada.

Adeegyada Dekadda
Dekadda Seattle ayaa ka mid ah tobanka ugu sareeya ee dekadaha weelka qufulani ka soo degaan Mareykanka, oo bucshiro lagu qiimeeyo $36.7 bilyan ay ka gudbaan kaabiyadeeda sannad kasta. Waxa ka shaqeeya 29 maraakiibta wax qaada iyo hawlwadeeno doonyaha wax lagu raro, laba tareen of qaarado iskaga-gudub ah, iyo shirkado badan oo tarakyada ah oo isku xira Seattle iyo xarumaha suuqaqa dhammaantood Woqooyiga Ameerika Dekaddu waxay ku meegaarsan tahay ku dhawaad 500 ekar oo ah meelo lagaga shaqeeyo waxyaabaha soo dega, iyo 26 wiish qaada weel-sanduuqyada iyo goobo loogu talagay waxyaabaha qabow ama wayaabaha la barafeeyey ee ka midka yihiin hilibka, kalluunka, khudradda, caleenta, iyo waxyaabha keynta laga soo saaro, birta iyo badarka. Dhaqdhaqaayada meheradda badda ee ka dhaca dekaddu waxay ka mas'uul tahay soo-galinta $430 maalaayiin wax iibsiga agagaarka laga iibsato iyo $2.5 bilyan oo dakhli meheradeed oo ay soo galiso dhaqaalaha agagaarka sannad kasta. Dekeddu waxa kale oo ay leedahay oo ay hawl-galisaa Xero-Diyaaradda Caalamiga ah ee Seattle-Takooma, Fishermen's Terminal iyo Xarunta Warshadaha Badda (Maritime Industrial Center), Marinada (Xerooyinka doonyaha yaryar) ee Gacanka Shilshole, iyo Bell Street Pier, oo ah xarun 11 ektar oo ka kooban xarun caalami ah oo lagu shiro, marina, dukaamo iyo maqaayado. Rugaha Bell Street Pier iyo 30 Terminaal iyo meheradaha maraakiibta lagu tamshleeyo ee Alaska oo ay ku soo xirtaan 200 markab sannad kasta. Dhismaha Xarunta Ganacsiga Adduunka oo agteeda ah Bell Street Pier, yaa xoojineysa kaalinta doorka ay ku leedahay Seattle ahaanta xarunta ganacsiga ee adduunka.

Terminaalka Kaluumeysatada
Rugta Kaluumeysatada ayaa hoy dekadeed u ah maraakiibta kaluumeysiga Waqooyiga Basafiik ee Mareykanka iyo walibaxarun kobcaysa oo ah doonyaha ganacsiga lagu shaqeysto. Dayac-tiro lagu sameeyey dhowaan ayaa ayaa fursad u siinaya 2,500 fiit oo dheree ugu soo xirahso dooni iyo 320 goobo sibir ah oo dakad ku soo xirad sabbeeya ah. Rugta Kaluumeysatada ayaa waliba bixisa adeegyada taagerada ugu baaxadda weyn ee laga heli karo Xeebaha Galbeedka, oo leh dekado iska xajiya doonyo gaarya illa iyo 300 fiit iyo 2,800 fiit dherer oo deked raritaan leh, bakhaar xasilloon oo dibadda leh, qufulo gude leh, forklift-yo , wiiishiyo qalabyo kale oo yaal goobta. Goobta ayaa waxa ka mid ah meherado aad u kala duwan oo meesha ku yal oo adeega gaar ahaan baahida ganacsiga kalluumeysiga iyo shirkadaha doonyaha shaqada. Shirkadaha jaarka la ah ee Ballard, Magnolia, iyo xaafadaha Queen Anne ayaa waliba haya waxyaabaha bad mareenka, doonyo hagaajinta iyo adeegyada gaarka ah. Waxa ku dhow, Xarunta Warshad Ahaanta Waxyaabaha Badda oo haysa Doonyaha xakamaynta, dib u helid alaabaha , dayac-tirka iyo goobaha hagaajinta.

Garoonka-Dayaaradeed ee Seattle-Takoma
Garoonka-Dayaaradeed Taariikhdu markay ahayd 2004, 28.8 maalaayiin oo dad rakaab ah ayaa dhex maray Sea-Tac, iyada oo sidoo kale 346,966 metrik ton oo xammul ahna ay hawada u soo martay. Rakaabka dadka ayaa kor ugu kacey 7.5% sannadkii 2003, oo markii ugu horreysey ka badnaaday wixii ka horreyey heerarkii 9/11. Siddeed iyo llabaatan diyaarado ayaa ka shaqeeya Sea-Tac: 9 ka mid ah kuwaas ayaa wata calan dal shisheeye, 5 kalena waa diyaarado qaada xammulka. Garoonka-dayuuradaha waxuu u jira 13 mayle (21 km) degmada dhexe ee meheradaha oo waxa kale oo ay u jirtaa 14 mayle rugaha dekadda badda. Qaaradda ay Marekanku ku jirto, Sea-Tac waa garoonka-dayaaradeed ee ugu dhow Aasiya oo qiyaastii waxay qaadataa 9 saacadood in laga soo duulo Tokyo ama London oo la yimaad Seattle. Waxa jira in ka badan 45 duulitaan jadwalaysan ayaa sitimaan kasta ka jira kuwasoo taga meelo badan oo caalamka ka tirsan.

Diyaaradaha sida Tooska ah Caalamaka ugu Duula

Air Canada
Alaska Airlines
China Air
Korean Air
Aeromexico
American Airlines
EVA Airlines
Northwest Airlines
Air BC
Asiana Airlines
Lufthansa
SAS Scandinavian Airlines
Air France
British Airways
Horizon
United Airlines

Magaalooyinka Duulitaannada Sida Tooska uga Yimaad Seattle

Amsterdam
Bejing
Calgary
Cancun
Copenhagen
Edmonton
Frankfurt (April 1, 2008)
Kelowna
London
Los Cabos
Mazatlan
Mexico City
Moskow
Paris
Puerto Vallarta
Seoul
Taipei
Tokyo
Toronto
Vancouver
Victoria

Ka Fogaanshaha Magaalooyinka Waaweyn (maylka cirka)


Tokyo

Hong Kong

Chicago

New York

London

Seattle

4,785

6,639

1,726

2,406

4,792

San Francisco

5,135

6,957

1,851

2,571

5,355

Los Angeles

5,570

7,343

1,743

2,456

5,443

Isha laga soo xigtay: Dekedda Seattle, Qaybta Duulitaanka

English | Spanish/Espanol | Francais | Italiano | Russian/русский язык
Japanese/日本語 | Chinese/中文 | Chinese (Modern)/中文(简体)
Somali | Tagalog