Seattle.gov Home Page
Seattle.gov This Department
Link to The Greater Seattle Datasheet Home Page Link to The Greater Seattle Datasheet Home Page Link to The Greater Seattle Datasheet About Us Page Link to The Greater Seattle Datasheet Contact Us Page
English | Espanol | Francais | Italiano | русский язык | 日本語 | 中文 | 中文(简体) | Somali | Tagalog
Waraaq-Xogeedka Magaalo-Weynta Seattle
Goobta Ay Ku Taal
Tiro-Koobyada
Tayada Nolosha
Waxbarashada
Goobaha Waxtarka U Leh Beesha
Dhaqaalaha
Shaqooyinka-Gaarka Ah Iyo Mehradaha
Xarumaha Dalxiiska Iyo Shirka
Ganacsiga Caalamiga
Gaadiidka
Isgaarsiinta
Dawladaha
Macluumaad Dheeraad Ah

XARUMAHA DALXIISKA IYO SHIRKA

This information is from 2008. Updated information for 2011 will be available soon.

Agagaaraha Seattle-King ayaa soo jiita dad ka badan 9.4 maalaayiin oo ah booqde u dhaxayaal magaalo kuwaasoo ku kharash gareeya 4.75 bilyan oona ku soo kordhiya $419 maalaayiin dakhliga cashuurta gobolka iyo degaanka. Dadka booqdeyaasha ayaa lacagta ay qarash gareeyaan ayaa waxay si toos ah u taageertaa 62,000 shaqooyin oo ku yaal degmada Seattle. Degadda Seattle ayaa yeelatay sannadahan dhow koritaan markabyada tamashla ah oo aan horay loo arag, iyada oo shan shirkado waaweyn oo maraakiibta tamashlaha ah oo rakaab dad lagu qiyaasay 390,040 ay raaceen 2007-dii iyo oo lagu xisaabtamayo 434,000 sannadka 2008.

Xarunta Shirka & Ganacsiga ee Gobolka Washington, xarunta Seattle (goobta lagu qabtay Carwadii Aduunka ee 1962) iyo hoteellada magaalada ayaa ku caanbaxey inay yihiin meelo xiiso u leh shirarka, shirar weynaha iyo munaasabada gaarka ah. Meelaha kale ee waxtarka badan leh ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Shirarka Caalamiga ee Bell Harbor, Xarunta Munaasabadaha Qwest Field iyo Xarunta Meydenbauer oo ku taal Bellevue. Si aad u hesho macluumaadka booqdaha kala xiriir: Xafiiska Booqdeyaasha iyo Shir-Weynaha Seattle oo lambarkoodu ah 732-2695 ama (206) 461-5840 ama www.visitseattle.org. Xarunta Booqdeyaasha Seattle iyo Adeegyada Soo-Dhaweyska waxay ku taalaa gudaha Xarunta Shir-weynaha, oo bixisa maclumad ku saabsan Seattle, tigidhada meelaha xiisaha iyo ballan ka qabsiga meelo tusitaanka.

Huteellada
Farasmagaalaha-dhaxe ee xaafadaha ganacsiga ee Seattle waxa ku yaal 11,890 ee qolal huteel iyo in ka bada 32,000 qolal huteel ayaa ku yaala aagaKaawantiga Seattle/King agagaaraheeda. Sannadaha 2008 iyo 2009 gudahiisa, waxaa la filayaa in la furo 1,500 oo ah qolal-martiyeed. Fiiri www.seattlesupersaver.com ama wac c (800) 535-7071 si aad u hesho macluumaad ama meel aad ka qabsato ku dhowaan 90 huteel oo ku yaal agagaaraha (barnaamijka Lacag Badan Kaga Keydsiga Seattle waa adeeg huteel meel ka qabsi lacag la'aan ah oo ay maamulaan Xafiiska Booqdeyaasha iyo Shir-Weynaha Seattle).

Isha laga soo xigtay: Xafiiska Booqdeyaasha iyo Shir-Weynaha Seattle

Maqaayadaha
Agagaaraha Seattle waxay caan ku tahay cuntooyinka badda laga soo saaro oo daray ah, iyo wax soo saarka beeraha iyo waxyaabaha kale u gaarka ah Woqooyiga-Galbeed. Maqaayado badan oo qowmiyado kala duwaan ka soo jeeda ayaa ka mid ah 9,000 ee maqaayadood ee ku yaal Magaalo-Weynta Seattle (eeg www.seattle.citysearch.com).

Meelaha la Xiiseeyo ee ugu Waaweyn
Meelaha la xiiseeyo ee baladka ugu caansan ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Seattle iyo Irbadda Hawada Sare, Suuqa Pike Place, Hiram Chittenden Locks (qalab doonyaha lagu kala maamulo), Zoo-ga Jardiinada Woodland, Tuulada Iindiyanka ee Tillicum, Aquarium-ka Seattle, xeebta, dhinac-hareed, iyo xeebo ammaan leh, Pioneer Square, Xaafada Caalamiga , iyo agagaaraha khamri -canabka iyo khamriga kale lagu sameeyo. Waxqabayada dibadda loogu baxo ee ay ku jiraan dooni kaxaysiga, kalluumeysiga, isboortiyada biyaha, lugeynta, biskileet wadashada, buur fuulitaanka iyo ku dul taraaraxa barfaka. Seattle waxay ku taal xeebaha Warta Washington, Warta Union iyo Puget Sound, iyada oo dhinca ka qabtaan laba buuraley silsilado weyn ah (Olympics iyo Cascades), oo buurta Mount Rainier si buuxda ay u muuqato iyo duurka fog oo jira wax ka yar hal saac. Waxa ku dhow Jasiiradaha San Juan, Xeebaha Badweynta Basafiikga iyo wabiyo waaweyn. Ka eeg www.visitseattle.org si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Farashaxanka, Dhaqanka iyo Feestooyinka
2007 daraasad uu sameyey ururka “Americans for the Arts’ (Dadka Mareykanka ah ee Taageera Farshaxanka) sida ay sheegeyso, Seattle ayaa darajada 5ta ugu sarreeya ka mid ah magaalooyinka Mareykanka marka la eego farshaxanka iyo meheradaha la xiriira farshaxanka. Meelaha farshaxanka waxa ka mid ah Seattle Symphony (oo muusika ku tuma Qol-Weynaha Benaroya ), Seattle Opera iyo Baaleega Woqooyiga-Galbeed Baasifik (oo muusika ku tuma Qol-Weynaha Marion Oliver McCaw), gaaleriyo farshaxan oo badan, Matxafka Farashaxanka Aasiyaanka Seattle, Matxafka Mashruuca Dareenka Muusikada “rock and roll”, Matfaxa Farshaxnka Seatle iyo Jardiinada Dhagaxa-qoran ee Olimbiik (oo laga furay xeebta Seattle markay ahayd Janaayo 2007) Seattle waxay qani ku tahay farshaxanka riwaayadaha oo ay ka jiraan 80 shirkadood , oo 25 ka mid ah ba yiihin kuwo xirfaddooda u go’ay. Feesootooyinka kale ee loo dabaal-dego ayaa ka ka mid ahsida SEAFAIR, Northwest Folklife, Munaasabadda Aflaanta Caalamka Seattle, Muaasabadda Farshaxanka Bumbershoot, Munaasabadda Riwaayadaha Carruurta ee Caalamka, Munaasabadda Cuntada ee Seattle, Munasabadda Buugta ee Woqooyi-Galbeed. Seattle waxay marti galisaa munasabo muusik oo aad u waayen oo waxay kasbatey u soo jeedsiga adduunka inay tahay meel ay ka bilaabanto muusika kooxa u horseeda ee noocyada ah “rook, pop iyo jazz-ka”. Xafiiska Booqdeyaasha iyo Shir-Weynaha Seattle ayaa ku bixiya jadwal la baaran-karo oo dhammays-tiran barteeda shabakadda internetka si loo helo qorsheysi socdaal habboon, bartuna waxy ku taal www.visitseattle.org.

Ciyaaraha
Seattle waxay hoy u tahay beesboolka Mariners, fuutboolka Seahawks, kubadda koleyga SuperSonics, Kubadda cagta ee Seattle Sounders iyo Ku Ugu Badiyey WNBA Adduunka 2004 oo ah Seattle Storm (kubadda koleyga ee haweenka oo shaqo xirfad-yaqaannimo loo ciyaaro).

*Ururka Kooxaha Waaweyn Kubadda Cagta yaa ku dhawaaqay inay Seattle heli doonto koox MLS oo rasmi ah muddada xilliga 2009. Kooxda Seattle ayaa ku ciyaari doona dhammaan baratanka hoyga Miidaanka Qwest

Saameynta Dhaqaale ee Socdaalka
Seattle-King Kaawnti iyo Gobolka Washington 2007


Seattle-King Kaawnti

Gobolka Washington *

Shaqooyinka Socdaalka-abuurey

52,100 shaqooyin

149,800 shaqooyin

Kharashyada Socdaal

$68 bilyan

$148 bilyan

Ka Kasabyada Meherad Socdaal

$21 bilyan

$40 bilyan

Risiidyada cashuurta Gobol

$ 242.2 milyan

$ 827 milyan

Risiidyada cashuurta degmada

$ 166.1 milyan

$ 254 milyan

Isha laga soo xigtay: Warbixinta waxa diyaariyey Ururka Gobolka Washington ee Dean Runyan
*Waxa ku jira istaatistika Seattle-King Kaawnti
Xiriirka: (www.deanrunyan.com/impactsWA.html)

English | Spanish/Espanol | Francais | Italiano | Russian/русский язык
Japanese/日本語 | Chinese/中文 | Chinese (Modern)/中文(简体)
Somali | Tagalog