| English | Espanol | Francais | Italiano | русский язык | 日本語 | 中文 | 中文(简体) | Somali | Tagalog |
![]() |
DHAQAALAHA This information is from 2008. Updated information for 2011 will be available soon. Seattle waa xarun balad degmo oo magaalo-weyn kasoo ka kooban afar-kaawnti oo leh 3.58 maalaayiin oo dad iyo 1.8 maalaayiin oo shaqooyin. Loo-shaqeeyaha ugu weyni waa Jaamacadda Washington oo leh 28,188 macallimiin iyo shaqaale kale, miisaaniyad $3.7 bilyanna iyo miisaaniyad cilmi baaris oo dhan $1.02 (ka eeg Warbixin Sannadeedkii 2007 www.washington.edu/admin/finacct/annual.report.archive.html). Jaamacadda ayaa ka qaadata kaalin muhiim u ahqaybaha dhaqaale ee ay ka midka yihiin daryeelka-caafimaadka, bayotechnoolajiyadda, sayniska iyo cilmi-baariista. Daryeelka-caafimaadkeeda rucubeysan ee Seattle (isbitaallo, waxyaabaha la soo saaro daryeelka-caafimaadka iyo adeegyada , tababbarka iyo cilmi-baarista) ayaa u dhigma 96,000 oo shaqooyin, ku biiriyana $10 sannadkiiba dhaqaalaha agagaaraha (ka fiiri wax-soo- saarayaasha ugu muhiimsan www.seattle.gov/economicdevelopment/). Qaybta bayotechnoolajiyadda iyo aaladda caafimaad, oo darajadeedu tahay ka 5aad Mareykanka marka loo eego meel isku-ururka wax-soo saarayaasha, oo ka kooban 170 meheradood iyo ururo macaash-la’aan ah oo cilmi-baaris ah dhammaanteed degmooyinka Gobolka Seattle/Washington ku taal (Eeg www.wabio.com/). Kaalinta adag ee Seattle ay kaga jirto daryeel-caafimaadka, bayotechnoolajiyadda iyo teknoolajiyadda macluumaadka ayaa u horseedday horumaryo iskaashi dhinaca bayoinformatics (isticmaalka database-yo iyo algorithm-yo sidii ay u xoojin lahayd cilmi-baarista bayoolojiga) oo caafimaad informatics (u isticmaalka teknooloojiyadda kombiyuuterka ururinta, keydinta, isgaarsiinta, sida ugu wacan ee loo isitcmaalo data ku lug leh caafimaadka). Qaybaha Daryeel-caafimaadka iyo bayotechnoolajiyadda Seattle ayaa ka faa’iideystay deeqaha uga yimid Ururka Samafalka ee Bill iyo Melinda Gates oo ah $30 bilyan oo raasamaal saafi ah. Miisaaniyada ururka ayaa ka caawisay Jaamacadda Washington inay isku meel isugu geyso Waaxada Saynisyada Hidde-Sidayaasha iyo bayoenjineering goob cuusb oo ay abuurto Waaxda Caafimaadka Caalamka ( oo ay wadajir uga wada shaqeeyaan dugsiyada Caafimaadka Dadweynaha iyo Daawada). Xaafadda South Lake Union ee ku dhow Jaamicadda yaa noqotay meel xarun u ah bayoteknoolajiyadda iyada oo arrintaas mahadda ku leedahay maal-galinta gaarka ah ee Vulcan, bayotek nidaamiyaha (incubator) $15 maalaayiin lagu abuuray iyo u dhawaanshaha Xarunta Cilmi Baraista Kaansarka Fred Hutchinson, machadka Systems Biology, Pacific Northwest National Laboratory ( xafiiska Seattle), Xerada Amgen’s Helix ee ku taal Elliot Bay, machadka Allen ee Sayniska Maskaxda, Machadka Cudurda la Isku-Dhaafiyo, PATH ( Barnaamija Teknoolojiyadda Caafimaadka ku Habboon), Machadka Cilmi-Baarista Seattle “Biomedical” iyo Machadka Cilmi-Baarista Benaroya ee ku taal Virginia Mason. Meheradaha ku Lug leh Diyaaaradaha (Aerospace) ayaa horeyba u ahayd goob wax soo saar oo muhiimad u leh degmada Seattle, iyada oo mahad naqa iska leedahay shirkadda Boeing. Laga bilaabo Maarso, 2008, ayaa Boeing waxay shaqo siisay 74,517 qof oo ku nool Seattle iyo Washington (Wadarta shaqo bixinta shaqadu waa 161,493). Markii ay ahayd 2007, biximaha Boeing ee 3,007 ee shirkaada u adeega ee Seattle iyo Washington ka jira ayaa dhaaftay $3.2 bilyan. Diyaaradaha cusub ee Boeing ee nooceedu yahay 787 ayaa waxaa lagu sameeyaa magaalada Everett ee woqooyiga Seattlet. Waaxda Teknooloojiyadda Macluumaadka (Information Technology) ee gobolka Gobolka Seattle/Washington ayaa waxay ka mid yihiin 3,000 oo shirkadood oo leh shaqaale wadartoddu tahay 191,000. Microsoft, oo xarunteeda iyo goobaha kale cilmi-baarista iyo horumarin ku leh agagaarka Seattle, ayaa shaqaaleysa 35,510 oo qof oo ku nool Seattle iyo gobolka Washington. Microsoft waxay aduunkoo idil ku leedahay shaqale gaaraya 78,565. Agagaaraha Seattle ayaa hoy u ah dhowr shirkadaha ugu sita casrinimada kuwaasoo ka mid ah waaxaha kambaniyada qaarkood. Waxaaha ‘Tamarta Habboon” (Smart Energy) ee Washington, Oregon, iyo British Columbia yaa lagu qiyaasayaa inay ku jiraan 225 shirkadood oo leh maaliyad ka badan $1.9 bilyan oo ay u dheer yihiin $150 maalaayiin oo kale oo ah miisaaniyad cilmi-baarisiyo horumarin. Farshaxanka oo ka mid ah waax dhaqaale ayaa darjadeedyu tahay ka 5aad marka magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka oo waxa ka mid ah 3,578 meherado farshaxanka-la –xiriira oo shaqaaleeya 18,493 oo qof (sida u sheegayo Warbixin Meheradaha Hibada leh oo ay soo saaraty Mareykanka u heellan farshaxanka 2007-dii). Waaxda farshaxanka ayey ka mid yihiin meheradaha aflaanta iyo fiidiyaha, iyo kuwa muusikada oo 2004 soo saaray dakhli xoogsi ku yimid oo ah $266 maalaayiin, isku dar wax iibin gaareysa $1.3 bilyan, iyo shaqo-bixin ah 10,700 shaqooyin oo ak mid ah 3,000 oo meherado muusika-la-xiriira. Seattle waa xarunta meheradaha kafeega Gormeega ah oo sii kobcaya (Starbucks oo saldhigeedu yahay Seattle ayaa adduunka ka caan ah); waax firfircoon Qalabbada Madadaalada ku lug leh (mahadda wax aiska leh ururada aya ka midka yihiin Mountaineers (Buur-Fuulayaasha) iyo shirkadaha ay ka midka yihiin K2 Sports, REI, Filson iyo MSR); iyo waaxda badaha iyo kaluumeysiga qaranka ugu weyn (ka dhoofinta kaluumeysiga Washington ayaa ka badan marka la isku daro dhamman gobollada kale ee Mareykanku wax ay dhoofiyaan iyada oo ku saleysan labadaba qiimaha iyo miisaanka). Waaxaha muhiimka ah ee kale waa alwaaxda, qalabbada gaadiidka, cuntooyinka iyo dhar sameynta. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah fiiri www.seattle.gov/economicdevelopment; iyo www.seattletradealliance.com. Wadarta Shaqaaleynta iyo Qiyaaast wakhtiga soo Socda
Laga soo xigtay: Guddiga Degmada Puget Sound Ciidamada Mareykanka Shaqooyinka ee Qeybaha Dhaqaalaha, 2007
Isha laga soo xigtay: Desember 2007 Saadaaliyaha Dhaqaalaha Puget Sound |
|
|