English
አማርኛ
繁體中文
한국어
Soomaali
Español
Tiếng Việt

Magaalada Seattle iyo Iskaashatada Faras Magaalaha ayaa qabanaaya "Welcome Back Weeks" bisha Luuliyo iyo Sibteembar si loo kordhiyo Martida Imaanaysa Faras Magaalaha

Ayadoo qayb ka ah dadaalada magaalada ee kordhinta munaasabadaha iyo barnaamijyada faras magaalaha, magaallada iyo DSA ayaa iskaashanaaya qabashada labo wareeg oo ah Welcome Back Weeks ("Asbuucyada Dib usoo Dhawaynta") laga bilaabo Luuliyo 12 - 25 iyo Sibteembar 4 - 19. Welcome Back Weeks waxaa ku jiri doona munaasabado u dhexeeya masraxyada waawayn iyo xaraashka tafaariikhda ee dalabaadka gaarka ah si loo dhiiri gasho taageerida maqaayadaha iyo baararka yaryar ee faras magaalaha.

Sebtembar Dhacdooyinka "Asbuucyada Dib usoo Dhawaynta" 

Singer Hollis Wong-Wear performing outside during Welcome Back Week with her guitaristIyada oo qayb ka ah Toddobaadka Soo -dhaweynta, magaalada iyo la -hawlgalayaasheedu waxay martigelinayaan saddex dhacdo:

  • BOREALIS, Xaflada iftiimka
    Afar bandhigyo ee bilaash ah oo ay ku jiraan muqaal iyo maqal wangasan oo khaastan loogu talagalay in lagu qabto xarunta Paramount Theatre. Jimce, Sebtember 10 saacadu markay tahay 4 ilaa 10 galabnimo Paramount Theatre.
    Waxaad ka heli kartaa tigidhada bilaashka ah websaydhkan.
  • Xaflada Nolosha Dadka Madoow Qiimo ayay leedahay
    Qabanqaabiyeyaasha ayaa baajiyay dhacdadan sababtoo ah cimilada oo daran.
  • Ku soo dhawoow Seattle, Bandhigyada Heesaha Bananka ee ugu dambeeyay
    Mashruuca Vera waxay qaban doontaa hawlo kala duwan oo ay ku jiraan daabacaada shaashada iyo waxyaaba kale. Bandhigyada wuxuu bilaaban doonaa 4-ta galabnimo, waxaana ku jira, Hip Hop, Soul, waxaa soo jeedin doono fannaaniinta degaanka ee R'n'B Sango, Fly Moon Royalty, iyo Essam. Axad, Sebtember 19 saacadu markay tahay 2 duhurnimo ilaa qorraxdu markay dhaco, waxaana lagu qaban doonaa Mural Amphitheater ee Xarunta Seattle (Mural Amphitheatre at Seattle Center).

Ayadoo adeegsanaysa Maal gashiyada Seattle Rescue Plan, Magaalada Seattle ayaa ku Maal gelinaysa in Ka badan $9 milyan Mashruucayada Soo kabashada Faras Magaalaha. 

A very melanated singer with their hand on their chest energetically performing outside during Welcome Back Week.Waxaa dheer, si loo hubiyo inay helaan khibrada badqabka, iyo soo dhawaynta leh shaqaalaha faras magaalada, martida iyo dadka deegaanku, Metropolitan Improvement District (Degmada Maalgashiga Bartamaha), taasoo ay maamusho DSA, ayaa ku maal gelinaysa $3.2 milyan qalab dheeraad ah, nadaafada, munaasabadaha, iyo nashaadaadka, ayna ku jiraan muusiga iyo adeegyada kale.

Ayadoo qayb ka ah dadaalka soo kabashada faras magaalaha, Magaalada ayaa caawimaad kaash ah oo toos ah siinaysa ganacsiyada yaryar ee bartamaha iyo ururada fanka iyo dhaqanka, waxayna sidoo kale maal gelin doontaa barnaamij lagu hawl gelinaayo dukaannada safka hore ee maran si loogu xiro rakibaad farshaxan oo ku meel gaar ah, shaqo, iyo pop-up boobsiiska ah. Magaallada ayaa kordhinaysa khayraadka Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle) si loo siiyo ruqsado dheeraad ah oo bilaash ah si looga shaqaysiiyo wadooyinka iyo marinnada geeska wadada si loo taageero ganacsiyada bartamaha, ayadoo yoolku yahay labo jibaarida tirada ruqsadaha lagana dhigaayo 120 dhammaadka Sibteembar.

Si loo fududeeyo soo laabashada shaqaalaha iyo ganacsiyada yaryar, marka la gaaro deyrtaa, Magaallada ayaa bilaabaysa hormarinta cusub ee shaqaalaha iyo taageerooyinka meelaynta shaqada ee shaqaalaha aan shaqada haysan ama shaqada ku filan lahayn ee hudheellada faras magaalaha, waxayna isku dubada ridaydaa iskaashatada heer gobal si loo qabto shirka tignooloojiyada si loo hormariyo xalalka bulshada ee hormarinta sinaanta isirada ee qaybta tignooloojiyada. Si shaqaalaha dhiiri gelin dheeraad ah loogu siiyo kusoo laabashada bartamaha magaallada loona maal gasho adeegsiga gaadiidka, SDOT ayaa dhawaan billoowday barnaamij lagu siinaayo 2,000 oo kaararak ORCA ah shaqaalaha Chinatown-International District iyo maqaayada Pioneer Square iyo shaqaalaha dukaanada adeegga cuntada. Magaallada ayaa muhiimada siin doonta caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha iyo ganacsiyada yaryar ee faras magaalaha ayadoo kordhinaysa - illaa heerka macquulka ah ee xadiyada shaqaalaysiinta ee Seattle Police Department(Waaxda Booliiska ee Seattle) - joogitaanka saraakiisha la dhaarshay iyo Kuwa Adeegyada Bulshada ee deegaannada ay ku bataan danbiyada, ayna la socdaan dadaalo jooto ah sida balaarinta Health One, si adeegga ugu fiican loo siiyo shaqsiyaadka aadka u nugul ee aan haysan saraakiisha la dhaariyay ee u gurmata.

Magaallada iyo degmada ayaa sidoo kale dhaqan gelinaaya khayraad cusub si xal loogu helo dadka nugul ee ku nool hooy la'aanta ayadoo diirada ugu wayn la saari doono faras magaalaha S. Seattle Rescue Plan ayaa ka caawin doona 750 qof oo waajahaaya hooy la'aan, ayna ku jiraan ka caawinta 450 qof inay u guuraan meelo badqab leh iyo abuurista 300 oo guryo cusub ah. Maal gashiyada cusub ee degmada King ay maal gashanayso hooy la'aanta ayaa rari doonta 500 oo qof oo kale oo ku dhaqan bartamaha magaalada iyo meelaha aan deegaanka ahayn ee Degmada King una raraysa meelo amaan ah.

Ayadoo qayb ka ah qurxin magaallada, Magaaladu waxay isku dubaridi doontaa shaqooyinka nadiifinta qashinka ee ganacsiyada faras magaalaha iyo waaxaha Magaalada si loo hubiyo in degaannada lagu qaban doono munaasabadaha muhiimada la siiyo. Dadaaladaan waxay qayb ka yihiin Clean City program (Barnaamijka Nadiifinta Magaalada) iyo qashin gurista, iyo sidoo kale dadaallo cusub oo dib loogu hawl gelinaayo bokisyada beerista, laguna kordhinaayo qurxinta, farshaxanka, iyo baalmooyinka nalka. Washington State Department of Transportation (Waaxda Gaadiidka ee Gobalka Washington) ayaa xal u heli doonta marinnada faras magaalaha ee I-5 oo lagu samayn doono sifayn iyo qashin aruurin.